|

Dowladda Sacuudiga Oo Soomaaliya ka Dalbatay Shaqaale Muruq maala

Hargeysa — Wasaaradda Shaqaalaha dalka Sacuudi Carabiya ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay albaabada u furtay in ay Soomaaliya kasoo qaadato shaqaalo, hase yeeshee waxa ay ku xidhay shuruudo.

Shuruudaha lagu xidhay shaqaalaha muruq maalka ee ay Sacuudiga ka dalban doonto Soomaaliya ayaa waxaa ugu muhiimsan in qof walba uu keeno warqad cadeyn ah oo uu kala yimid wasaaradda amniga Soomaaliya, taasoo sheegeysa in qofka shaqada dalbanayo uusan horay dalkiisa danbi uga galin.

Waxaa kale oo shuruudaha ku jira, inuu keeno shahaado caafimaad oo sheegeysa inuusan qabin cudurada faafa iyo sidoo kale in qofka uu keeno warqad cadeyneysa in xanuunada faafa ee halista ah laga soo tallaalay.

Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Sacuudiga ayaa howlgelin doonto safaarada Sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, taasoo hubin doonta dhamaan xarumaha caafimaadka ee ka jira dalka Soomaaliya isla markaana si toos ah ula xidhiidhi doonto.

Madaxa guddiga shaqaala qorista ee Rugta Ganacsiga magaalada Riyadh, ninka lagu magacaabo Mishari Al-Thufairi, ayaa u sheegay wargeysyada kasoo baxa Sacuudiga in qaar ka mid ah shaqaalaha ay ka keenayaan dalal African ah oo ay Soomaaliya ku jirto aanan wali la hubin qiimaha lagu qaadan doono iyo heerka tayada xarumaha caafimaadka.

Hadii ay ka dhabeyso hadalkaan dowlada Sacuudiga ayaa waxa ay fursad u noqon doonaan dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo iminka ay shaqa la,aan ku heysato gudaha dalka Soomaaliya.

Dhanka kale, wararka qaar ayaa sheegaya in shaqaalahan ay haween ku jiraan taas oo meel ka dhac ku noqon doonta sharafta haweenka soomaaliyeed. Balse illaa hadda ma jiro war rasmiya oo arrintaasi caddeynaya.

Comments are closed