|

Dowladda Soomaaliya oo ka Hadashay Joojinta Xoolaha, Sacuudi Carabiya ay ka soo dhoofsan jirtey dalka Soomaaliya

Muqdisho 10, Diisembar, 2016-(SDN/QJ) :– Joojinta Xoolaha Soomaalida ayaa ku soo beegmaysa xilli meelo badan oo Soomaaliya ah ay ka jiraan abaaro ba’an oo saamayn ku yeeshay noloshii dadka reer Guuraaga ah, haddiiba tallaabadani sidaas u dhaqan gashona waxay sii adkaynaysaa xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya ka jirta, taas oo madaxda Soomaalida iyo hay’adaha Caalamiga ahiga ay baaqyo ka soo saareen.

XoolahaDawladda Soomaaliya oo ka hashadashay Hakadka ku yimid xoolaha loo dhoofin jiray dalka sacuudiga ayaa arintaan sababteeda kusheegtay inay heshay kadib markii ay soo gaartay warqad ka timid dhinaca Boqortooyada Sucuudiga oo sheegaysa in si ku meel-gaadh ah ay u joojiyeen dhoofka xoolaha Soomaalida iyagoo taasina ay ku sababeeyey xanuun laga helay xoolaha,

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay inaanay aaminsanayn in xoolaha Soomaalida uu xanuun ku dhacay, wuxuuna sheegay inay haatan bilaabeen baadhis rasmi ah oo ay ku ogaanayaan sababta dawladda Sucuudigu xustay inay jirto iyo inkale.

Dhanka kale wasiirka ayaa intaas ku daray in aysan ahayn markii Ugu Horeysay oo sidaan oo kale ay dhacdo ayagoona mararka kale duwan ay dowladdaha khaliijka ay sheegaan in ay jiraan xanuuno laga helo xoolaha soomaliya.

Ugu danbeyn wasiirka ayaa intaas ku daray in sameenayaan baaritaan buuxa ee dhanka sheybaarka xoolaha isagoona sheegay inay arintaan jawaab kasoo saari doonaa isagoona sheegay inaysan xal ahayn hakadka lagashay xoolaha soomaaliya maadaama uu wadanka badankiis ay kajiraan abaar balaaran,  caqabadan arintaan noqon karto joojinta xoolaha.

Comments are closed