|

Isbahaysiga Sucuudiga Iyo Shuruudaha Adag ee uu Ku Xidhay Xayiraad Ka Qaadista Dawladda Qatar oo Mugdi Ku Jiro inay Fulayso DAAWO

Riyadh 25. June 2017 (SDN/QJ):- Waddamada isbahaysiga ee uu hoggaaminaayo Sucuudigu, ayaa ku dhawaaqey shuruudo adag oo ay sheegeen in ay ku xidhayaan xayiraad ka qaadista dalka Qatar oo ay dhawaan uun ku soo roggeen xayiraad ah dhinacyada dhulka, badda iyo hawada ba ah.

Shuruudahan xayiraad ka qaadista ee soo roggeen isbahaysiga Sucuudigu, ayaa waxa ka mid ah dalabyada ay soo gudbiyeen in dawladda Qatar ay xidhiidhka u jarto dawladda Iran, sida oo kale na ay albaabada u laabto Tv-ga Aljazeera iyo weli ba sida oo kale dhammaan ba talefeeshanada kala duwan ee hoos yimaada.

Dalabyada isbahaysiga Sucuudigu soo gudbiyeen, ayaa waxa sida oo kale ka mid ah in dawladda Qadar ay xidhiidhka u jarto dhammaan ba ururada argagaxisada gaar ahaan kooxaha Ikhwaanul Muslimiint, Daacish, Al-Qacida iyo Kooxda Xisbullaah ee dalka Lebanon.

Comments are closed