|

Go’aammadii Xukuumaddu Ka Soo Saartay Colaadda SOOL Oo Aan Weli Fulin & Maamulka Gobolka Oo Iskaga Dab-qaadaya Beelihii Walaalayntoodu Raagtay DAAWO

Dharkeyn Geeye 24. April 2017 (SDN/QJ):- Badhasaabka Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir iyo Saraakiil Ciidan oo uu ka mid yahay Taliyaha Qaybta 7-aad ee Ciidammada Qaranka Somaliland ee Fadhiisinka ku leeyahay Gobolka Sool, ayaa gaadhay Degmooyinka Dharkeyn-geeye iyo Saax-dheer, waxayna si gaar gaar ah ula kulmeen Odayaasha laba Beelood oo Walaalo ah oo dhowr jeer Dagaal dhex maray.

Socdaalka Maamulka Gobolka Sool iyo Saraakiisha Ciidammada, oo daba socday weerar Dablay hubaysani Khamiistii ku dileen Saddex Askari oo ka mid ahaa Ciidamo Milletari ah oo Dharkeyn-geeye u tagay fulinta Go’aamo Xukuumaddu ka soo saartay Colaadda labada Beelood, ayaa waxa laga soo saaray Go’aamo nabadeed oo aan la ogeyn inay fuli doonaan iyo in kale.

Badhasaabka Gobolka Sool iyo Saraakiisha Ciidammada Qaranka, oo ku horeeyay Dharkeyn-geeyo, ayaa halkaa kula kulmay Odayaasha labada Beelood mid ka mid ah, waxayna Khudbado ay halkaa ka jeediyeen ku sheegeen in Ujeeddada socdaalkoodu tahay inay fuliyaan Go’aamada Xukuumaddu ka soo saartay Colaadda labada Beelood iyo inay sii wadaan dedaallada lagu walaaleynayo labada Beelood.

Badhasaabka Gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir oo kulan dhex maray Odayaasha  Dharkeyn-geeyo ka dib, hadal ka jeediyey halkaasi ayaa sheegay inay isla garteen Odayaasha deegaankaasi in aanay halkaa dhaafin shaqaaqadii dablaydu ku dishay Saddexda Askari, “Haddaanu nahay Maamulka Gobolka Sool iyo Saraakiisha Ciidammada Qaranka waxaanu ku suganahay Dharkeyn-geeyo, waxaanu halkan u maraynaa waa fulinta Go’aamadii Xukuumadda, annaga oo isku wadna Nabadeynta Beelaha Walaalaha ah. Dhibaato yar baa ka dhacday halkan Shalay (Doraad), Dawladduna way xakamaysay, beesha halkan deggana halkaa ma sii dhaafin, markaanu is-aragnay Odayaashii Beesha iyo deegaanka ee aanu is-aragnay waxaanu isla qaadanay in hawshaa iyada ahi halkaa dhaafin. Waxaanu isla qaadanay in la fuliyo Go’aamadii Dawladdu ku dhawaaqday.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay “Dadka ku dhaqan deegaankan waxaanu u sheegaynaa Ciidanka idiin soo gurmaday, waa Ciidan ka yimid Guryahoodii iyo Carruurtoodiiba.” Ayuu yidhi.

Qaar ka mid ah Odayaasha Dharkeyn-geeyo oo halkaa ka hadlay, ayaa ku taliyey in Cid kasta oo Nabadgalyada ka hor-timaadda dhinac laga wada maro, “Si Dadka loo nabadeeyo waa Cid Alaale iyo Ciddii Shaqaaqo wadda waa in dhinac laga noqdo.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale, Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Sool iyo Saraakiisha Ciidammada Qaranku waxay socdaalkooda ku gaadheen degmada Saax-dheer, waxayna halkaa kula kulmeen Odayaasha mid ka mid ah Labada Beelood ee Colaaddu ka dhexeyso, waxayna markaa ka dib Saxaafadda u sheegeen Go’aamadii ay isla qaateen.

Badhasaabka Sool, oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Labada Beelood waxaanu u sheegaynaa in wixii ay ballan-qaadeen, ee ay ku ballan-qaadeen Shirkii Maanta (Jimcihii) ka dhacay Saax-dheer iyo kii ka dhacay Dharkeyn-geeyo, ee ahaa inay qaateen Qodobbadii Nabadda, inay ka run-sheegaan.”

Xubin ka mid ah Cuqaasha Saax-dheer, ayaa isaguna sheegay “Annagu hore ayaanu Nabadgalyada u ballan-qaadnay, imikana sidii ayay naga tahay, ciddii ka shaqeynaysana inaanu kala shaqeyno hore ayaanu u ballan-qaadnay. Waxaanu isla qaadanay (Maamulka Gobolka Sool) waxaanu isla qaadanay inaan wax dambe (oo daba socda Askartii la dilay) dhicin.”ayuu yidhi.

Comments are closed