|

Dunida Islaamka Oo Si Weyn Looga Cambaareeyey Gantaalkii Kooxda Xuutiyiinta Dalka Yemen Ku Ridday Duleedka Magaalada Barakaysan Ee Makka Al Mukarrama

Hargaysa 30.October 2016 (SDN/QJ):- Badiba Dalalka Islaamka ayaa si weyn looga cambaareeyey gantaankii dunida islaamka sida weyn uga nixiyey ee ay kooxda Shiicada ah ee Xuutiyiinta Yemen ku ganeen magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarrama oo uu ku yaallo Xaramka Ilaahay ee Barakaysani.

gantaalkii-xuutiyiintaCambaaraynta dunida Islaamka ka imanaysa oo iska soo daba dhacaysa ayaa ka dambaysay markii Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay ku eedeesay maleeshiyaadka Shiicada Xuutiyiinta ee dalka Yaman in Gantaal kuwa ridada dheer ah ay kusoo rideen dhinaca magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarrama.

Wakaaladda wararka u faafisa Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in Gantaalka ay soo rideen Kooxda Xuutiyiinta uu ku dhacay meel 60km u jirta Magaalada Barakeesan ee Makka, waxayna Wakalaaddu sheegtay in gantaalkaasi aanu wax khsaare ah u gaysan dadkii deegaankaasi ka ag dhawaa balse uu keenay dareen cadho ah oo ka dhashay falkaasi axmaqnimada ah ee kooxda Xuutiyiintu u gaysatay dhulka Barakaysan.

Diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ayaa la sheegay in ay si deg deg ah uga jawaabeen gantaalkaasi Xuutiyiinta kusoo rideen gudaha Sacuudiga, waxaanay Diyaaradaha dagaalka Sucuudigu daqiiqado kadib duqeeyeen halkii laga soo riday gantaalkaasi sida Wakaaladda Wararka dalkaasi baahisay.

War kasoo baxay Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa lagu sheegay in gantaalka ay ku rideen Sacuudiga ay la beegsanayeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Jidda oo qiyaastii 100-km u jirta magaalada Makka.

Gantaalkaasi ayaa dhaliyey cadho badan oo ka imanaysa dalalka Islaamka oo si weyn falkaasi ay kooxda Xuutiyiint ku kaceen u dhaleeceeyey iyaga oo ku baaqayay in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo ku soo xad gudubta goobaha barakaysan ee Xurmada leh ee ka dhaxeeya dadka Islaamka ah.

 

Madaxda dalalka Khaliijka Carabta, Urdun, Turkiga, Falastiin, Carabta Afrika, Suudaan iyo dalal kale oo islaam ah aya falkan cambaareeyey doraad oo Jimce ahayd.

Comments are closed