|

Hay’ada Mukhaadaraadka Maraykanka ee FBI-da oo Mar kale Baadheysa Emailo ay Isticmaashey Hillary Clinton & Doorashadii Maraykanka oo Ku astaysan 8 Bisha November 

Washinton 30.October 2016 (SDN/QJ):- Haayada Sirdoonka Maraykanka ee FBI-da ayaa baadhitaan labaad ku bilowday Email-lada gaarka ah ee ay isticmaashey  Hillary Clinton, xilligii ay aheyd Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

2015-08-05-nbc-tday-hillarye-mailAgaasimaha Hay’adda FBI-da James Comey ayaa sheegay inay dib u furayaan baadhitaanka kiiska Email-lada Hillary Cinton, isagoo warqad u diray xubnaha Congress-ka ee ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga.

Mr James Comey ayaa sheegay in la helay Email-lo cusub, taas ayaa keentay in baadhitaan kale ay bilowdo FBI-da sida uu ku sheegay warqada uu u diray Xubnaha Congress-ka.

Hillary Clinton ayaa lagu eedeeyay inay Email gaar ahaa isticmaali jirtay intii ay heysay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa soo dhoweeyay baadhitaanka cusub ee FBI-da ku bilowday Email-lada Hillary Clinton.

Baadhitaanka cusub ee ay bilowday FBI ayaa la ogeyn saameynta ay ku yeelan doonto ollolaha doorashada Musharax Hillary Clinton ee doorashada Madaxweynaha Mareykanka oo dhici doonta 8-da November.

Comments are closed