|

Duqa Laascaano: Ciidamada Somaliland waxey burburiyeen xafiisyadii dawlada

Laascaanood Mar 02, 2023 (QJ) – Maayarka degmada Laascaanood ee gobolka Sool Cabdiraxmaan Cali Ismaaciil ayaa maanta warbixin rasmi ah ka soo saaray khasaaraha ka dhashay colaadda Laascaanood.

Duqa magaalada oo shir jaraa’id qabtay isaga oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood ayaa xaqiijiyey in 210 qof ay ku dhinteen dagaalka 680 kalena ay ku dhaawacmeen halka ku dhawaad 200,000 oo qoys ay ku barakaceen.

Duqa magaalada waxa uu sidoo kale sheegay in 715 guri ay ku burbureen iska horimaadkaasi, taasi oo saameysay ku dhawaad 16,000 oo ganacsi oo ku yaalla magaalada.

Duqa magaaladu waxa uu intaa ku daray in ay waxyeelo soo gaadhay xafiisyo dawladeed oo uu ka mid yahay cisbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood, xarumo kale oo dawlada laheyd iyo in ciidamada Somaliland ay bililiqeysteen qaar ka mid ah guryaha magaalada.

Duqa magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale baaq u diray dhammaan ciidamada Somaliland iyo kooxaha kale ee hubaysan inay isaga baxaan magaalada, si dadka deegaanka ay u helaan gargaarka ay u baahan yihiin.

Duqa degmada ayaa sidoo kale meesha ka saaray in ciidamada Puntland ay dagaal kula jiraan ciidamada Somaliland ee ku sugan Laascaanood. Cabdiraxmaan Cali Ismaaciil waxa sidoo kale uu baaq u diray madaxdhaqameedka Hargeysa Iyo Togdheer oo uu u sheegtay in xaalka soo farogeliyaan isla markaana uu burburay nidaamkii dawladeed.

Duqa magaalada Laascaanood hadalkiisa kuma soo qaadin waxa dagaalka magaalada Laascaanood uu salka ku hayo, dagaalka ayaa marna leh weji Qabiil halka uu marna leeyahay mid qadiyadeed.

Comments are closed