|

Duqeyn lagu laayay dagaalyahano Shabaab ka tirsanaa

Kismayo February 25, 2024 (QJ) -Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maanta weerar cirka ah oo lagu beegsaday xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Caraboow ee gobolkaasi, halkaasoo lagu dilay xubno badan.

Weerarka ayaa la sheegay in lagu beegsaday shir ay ka qeyb galayeen taliyeyaasha Al-Shabaab, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ku dhintay weerarka ay ku jiraan maleeshiyaad Ajaaniib ah, halka qaar kalena ay ahaayeen dadka deegaanka.

Sidoo kale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ilaa 20 maleeshiyo laga yaabo in lagu dilay iska horimaadka ka dhacay deegaanka Carabow.

Dadka deegaanka ayaa xusay in aysan tagi karin goobihii uu dagaalku ka dhacay, balse waxay xaqiijiyeen in ay maqlayeen dhawaqa xooggan.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo weli aysan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan iska horimaadkaasi, waxaana la sheegay in qasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo kala gaaray maleeshiyaatka dowlada iyo Al-Shabaab.

Comments are closed