|

Dawlada dhexe iyo kuwa Goboleedka oo kawada hadlay xagjirnimada

Muqdisho February 25, 2024 (QJ) -Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta soo xiray shir ay wada jir u wada qaateen Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muddo shan maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka afkaarta Al-Shabaab, iyadoo looga hadlay sidii si hufan looga hortagi lahaa fikirka xagjirka ah ee dalka ka jira.

Waxaa sidoo kale doodaha lagu soo qaaday ka hortagga iyo ciribtirka xagjirnimada iyo argagixisada, iyadoo ay ka qeyb galeen culumaa’udiin, odayaal, haween, iyo dhalinyaro.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS, Abuukar Jeylaani oo ka hadlay shirka ayaa yiri “Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxaa xil weyn ka saaran yahay ka hortagga xagjirnimada”.

Comments are closed