|

Duufaano Culus oo ku dhuftay Deegaanka Ceelaayo ee Gobolka Badhan ee Somaliland

Ceelaayo 12.Nov 2013 (SDN)- Duufaan xoog leh oo watta  dabaylo Qoyan ayaa maanta ku dhuftay Degmada  Ceelaayo ee Gobolka Badhan ee Bariga Somaliland, kaasoo sababay Khasaare kala duwan.
duufaanMayorka Magaalada Ceelaayo Md Barkhad aadan xasan oo hawlo shaqo hadda u jooga magaalada caasimadda ah ee hargaysa ayaa galabta u sheegay warbaahinta  in wararkii ugu dambeeyey ee uu ka helay maamulkii degmadu ay caddaynayaan in Duufaan xoog leh oo wata dabaylo qoyan iyo roob ay ku dhufteen Magaalada Ceelaayo
Mayor-ku waxa uu sheegay in Ku xigeenkii Mayorka ee magaaladaasi Ceelaayo oo lagu magacaabo Faarax Maxamuud shuucaar uu ku soo wargeliyey xogta ku saabsan duufaantaasi oo sababtay khasaare soo gaadha xoolaha nool, hanti kale iyo dhismayaashii kaabayaasha bulshada, duufaankaas oo dumiyey Masaajidkii Taariikhiga ahaa ee magaaladaasi iyo dhismayaal badan, doonyihii taagnaa xeebtana  banaanka uga soo saaray badda oo burburiyey, isla markaana dilay qiyaastii boqol neef oo adhigii magaalada ah
Dhanka kalena Mayor-ku waxa uu sheegay in aan laga war haynin dadkii danyarta ahaa iyo reer guuraagii deganaa magaalada nawaaxigeeda, isla markaana aan la ogayan khasaaraha gaadhay maadaama ay dabayluhu dhacayeen maalinimadii oo dhan welina socdaan.
Ceelaayo SDN.
Qurbejoog.com

Comments are closed