|

Eng C/Naasir Garaad Abshir Oo Si adag uga Hadlay Cid kasta oo Fadqalalo ula Timaada Aaska Aabihii Garaad Abshir,Somaliland ka Dalbaday inay Ciidanka ka qaado deegaankaas DAAWO

eng-cnasir-garaad-abshir-o-735x400Hargaysa 10.July 2016 (SDN/QJ):- Eng Cabdi-naasir Garaad Abshir oo uu dhalay alle ha u naxariistee Marxuun Garaad Abshir Garaad Saalax ayaa ka hadlay aaska loo samaynayo aabihii.
Eng Cabdinaasir Garaad oo dhanka kalena ah La Taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ee Gobolada Bari .

Geesta kale Xukuumada Somaliland ayaa si rasmi ah uga hadashay qaabka loogu talogalay aaska marxuum garaad Abshir saalax oo ka mid ahaa madaxdhaqameedka waaweyn ee Somaliland oo Dhowaan ku dhintay Dalka dibadiisa, dhowaana la keenayo wadanka si loogu aaso Degmada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle
Afhayeenka dawlada Somaliland, ahna Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Md Cismaan cabdilaahi saxardiid caddaani ayaa saxaafadda u bandhigay qaabka ay gudiga aaska garaadku u qorsheeyeen Munaasabadaasi iyo kaalinta ay ku leedahay Xukuumada Somaliland.

Comments are closed