Faah faahin : 10 ruux oo ku Dhimatay Weerar Lagu qaaday Caawa Maqaayad Ku taala Magaalada Muqdisho

Muqdisho 14. June 2017 (SDN/QJ):- Dabley ayaa weerartay caawa  Pizza House oo ah maqaayad siweyn ugu dhaw Hotelka lagu magacaabo Posh oo ku yaala agagaarka is-goyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

10 ruux ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen weerarka oo sidoo kale saameyn ku yeeshay hotelka Posh Treats oo siweyn ugu dhaw Pizza House.

Qaraxan ayaa dhacay waqtigii Salaada Cishaha waxaana ay maqaaxidan ka mid tahay goobaha sida weyn xiliyada habeenkii loo tago oo ay dadku ku caweeyaan.

Sidoo kale, waxaa goobta gaaray gadiidka gurmadka deg deg ah oo halkaa ka qaaday dad ku dhaawacmay weerarka.

Afhayeenka howlgalada Al-shabaab Cabdcasiis Abuu-muscab ayaa sheegay in dagaalamayaal ka tirsan ururka weerar ku qaadeen caawa sida uu hadalka u dhigay Posh Hotel, isaga oo intaa ku darray in wali halkaa howlgalku ka socdo.

Qaraxan iyo weerarkan wada socda ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca caasimada bishan Ramadaan.