Buuhoodle 14. June 2017 (SDN/QJ):- Garaadka guud ee beelaha dhulbahante garaad jaamac garaad cali ayaa taageeray go,aankii nabadeynta ahaa ee lagu soo gaba-gabeeyey deegaanka dharkayn-geenyo kuwaas oo la xidhiidhay labadii beelood ee dirirtu ku dhex martay koonfurta gobolka sool.
Sidoo kale waxuu garaad jaamac garaad cali ka hadlay madaxda khaatumo ee hargeysa ku sugan garaadka oo khadka telefoonka wareysi ku siiyey somalinews tv waxaa hadalkiisii ka mid ahaa.”waxaan halkan telefooka doonayaa inan usoo maryo heshiiska nabadaynta ah ee lagu dhameeyey colaadii udhaxaysay labada beelood ee walaalaha ah ee bahararsame iyo khayr cabdi ee lagu soo gaba-gabeeyey magaalada dharkayn inan halkan ka taageero oo tilmaan iyo ducaba halkan uga mariyo marka hore waxaan eebbe weyne uga mahadcelinayaa hawshaa uu soo uruuriyey culumadii gacanta ku haysay,isimadii iyo salaadiintii kale ee la gurmaday ee xaajada la qabtay inan idhaahdo jasaakumulaahu khayran jasaa’’
‘’Labadii beelood ee dirirtu dhex martay ee colaadii lagu dhintay,lagu dhaawac may ee xitaa lagu barakacay in mar hadii meel la dhigay inay ku ilaaliyaan oo dhinacyada iska taagana inay dhalinyaradooda wacyigaliyaan in intii dhibaatadu soo gaadhay u ogaadaan oo u ilaaliyaan oo u nabada ku ilaaliyana kuna wacyi galiyaan, waxaan kaloon usheegi lahaa haddii balaayo kaloon la ogayn ku dhex jirto oo dhibka waddo inay kor ugu dhawaaqaan oo aaney qarsan baladaad qarsataa wey ku qarsataa hadii iyaga tahay oo ay doonayaan inay soo celiyaana inay kor ugu dhawaqaan oo ay dhamaystaan.
Sidoo kale garaadka guud ee beelaha dhulbahante wuxuu ka hadlay socdaal ay siyaasiyiinta maamulka khaatumo hargeysa ku joogaan wuxuuna ar kale lingaxa u adkeeyey wadahadaladii khaatumi iyo Somaliland isagoo arimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi.
”Dadka reer khaatumo waxaa siyaasadooda ka masuula oo aan udaba fadhiisanaynaa maamulka khaatumo iyagaanu ka sugaynaa oo aanu u wakiilanay in dhibaatooyinka naga dhaxeeya Somaliland xal uraadiyaan wadahadalka sidii aanu hore ugu taageernay baan utaageersanahay waxaanu sugaynaa go,aamada soo baxa ka hordhici mayno go,aamadaa maamulkayagu noo keeno ayaanu kala hadli doonaa wixii ka dhimana loogu darayo laakiin wali kalsoonidayadii bay haystaan iyagaa siyaasada nooga masuula waxaanu ka sugaynaa wixii aanu udiranay ee aanu u igmanay waxay nooga keenaan”.
