Muqdisho March 01 2013 (SDN)– Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxeysaa qaraxyo galabta ka dhacay xeebta liido ee magaalada Muqdisho iyadoona la sheegay in qaraxyadu ay ka kala dheceen afaafka hore iyo gudaha baar lagu magacaabo Indian ocean oo ku yaala xeebta liido.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaliya Cabdi kariin Xuseen Guuleed oo qaraxa markuu dhacay kadib warbaahinta kula hadlay xeebta liido ayaa sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen labo qarax midna uu ka dhacay afaafka hore ee baarka Indian ocean oo ku yaala xeebta liido midka kale oo uu fuliyey ruux ismiidaamiye ah isna uu ka dhacay gudaha baarka.
Wasiirka ayaa khasaaraha ku sheegay inuu gaarayo dhaawaca todobo ruux iyo dhimashada ruuxii ismiidaamiyey isagoona tilmaamay marka laga reebo ruuxa is qarxiyey in aysan jirin wax dhimasho ah oo qaraxyaadaasi ay sababeen.
Lama oga cida sida rasmiga ah uga dambeysa qaraxyadani maanta ka dhacay xeebta liido ee magaalada muqdisho aydoona ay tahay markii labaad oo qaraxyo ay ka dhacaan xeebta liido tan iyo markii dib loo furay.
SDN-Muqdisho
