|

Faahfaahinta qaraxyadii Muqdisho ee maanta

Muqdisho. 29 October, 2022 (QJ)- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar culus oo maanta lagu qaaday xarunta wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka Soomaaliya.

Laba qarax oo culus ayaa lagu beegsaday xarunta, iyadoo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh iyo bur bur hantiyadeed.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in ilaa 10 qof ay ku geeriyoodeen weerarka, halka dhaawaca uu intaasi ka sii badan yahay.

Dadka weerarka ku dhintay waxaa kamid ah taliyihii booliska degmada Hodan Xuseen Cadceed, Wariye caan ah oo lagu magacaabo Maxamed Ciise Koonaa iyo dad kale oo shacab iyo askar isugu jira.

Dadka dhaawaca ah waxaa kamid ah taliyaha booliska Waaberi Ismaaciil, taliyaha ciidamadda Check Point-yada guur guura Cabdi Cali iyo wariyayaasha kala ah C/qaadir Ok oo Voa ka tirsan iyo Feysal Cumar oo ah sawir qaade ka tirsan Reuters.

Comments are closed