|

Fadeexad Qabsatay Wasiirka Waxbarashada Somaliland oo Hay’ada UNICEF Si Badheedh ah ugu Diiday Mashruuc ay ku Guulaysatay & Adduunka Ku Baxayaa Intuu dhan Yahay DAAWO

Hargaysa 02. December 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibrahim Habbane (Cabdillaahi-Dheere), ayaà si badheedha ah uga qaaday Hay’adda UNICEF Mashruuc ay ku guulaysatay, isla markaana siiyay Hay’adda Save the Children, ka dib markii sida la sheegay ay Save The Children u ballan-qaadday inay siinayso Lacag fiican haddii uu u saxeexo Mashruucaas oo Labaatan Milyan oo Doollar in ka badan ku kacaya, sida ay Aftahannews xogtan ku heshay.
wasiirka-waxbarashada-somaliland-cabdillaahi-ibraahin-habbane-2016Goob-joogayaal, ayaa sheegay in Wasiir Habbane markii hore uu Guddi u saaray ka kooban 94 qof Oo labadaasi Hay’adood Soo kala Saara.
Gudidan ayaà ka kooban Khubaro iyo Masuuliyiinta Waxbarashada ah, waxaanay Guddidu cod u qaadeen labadaasi hay’adood midka mashruucan la siin lahaa.
Labada Hay’adood waxay kala heleen Unicef oo heshay 94 cod iyo Save the Children oo heshay 92 cod.
Sidaasina waxa ku guulaysatay hay’adda UNICEF in ay Maamusho Mashruucan oo socon doona muddo saddex Sano ah, lacagta ku baxaysaana tahay; 21 Malyuun oo Doollar oo Qaramada Midoobay ku bixinayso Waxbarashada Somaliland.

Hasa-yeeshe, Wasiirka Waxbarashada Cabdillaahi-dheere, ayaà si badheedha ah uga hor- istaagay Hay’adda UNICEF mashruucaas, waxaanu siiyey Hay’adda Save the Children in ay maamusho, waxaana isaga oo fadhiya shirkii oo cadho badani ka muuqato uu yidhi; “Ma siinaayo UNICEF mashruucan oo Anigaa xaq u leh in aan siiyo cidda aan doono.”

Tallaabada Wasiir Habben qaaday, ayaà u muuqata mid joojin karta mashruucan maaddaama Hay’ada UNICEF hore mashruucan u soo wadday, isla markaana immika mar labaad ku guulaysatay.
Hasa-yeeshe, Wasiirka oo adeegsanaaya awoodda xilkiisa ka hor istaagay ka dib markii si hoose ay ula hadleen Masuuliyiinta Somaliland u jooga Hay’adda Save the Children sida la sheegay, isla markaana u ballan-qaadeen hadduu Mashruucaa iyaga u saxeexo inay siin doonaan Lacag badan oo Laaluush ah.

Guddigii uu u saaray Wasiirku in ay kala saaran labadaasi Hay’adood, ayaà aad uga cadhooday tallaabada gurracan ee uu qaaday Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane (Cabdillaahi-dheere).

Mashruucan waxa Ku baxaysa Lacag badan oo ah 21 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah muddada saddexda sano ah ee uu socdo, waxaana ka faa’iidaysta Bahda Waxbarashada Somaliland, isla markaana waxaa ka Mushahar qaata Saddex (300) Boqol oo Macallin Mushahar joogto ah laga siiyaa Mashruucaas.
Sidoo kale, waxay Macallimiintu ka helaan Tababbarro Xirfaddooda Aqooneed kor loogu qaadayo, waxaanay Wasaaraddu ka heshaa dhismayaal iyo taageerooyin kale oo fiican.

Inkasta oo aannu isku-daynay inaannu Wasiirka arrintan iyo waxa ku kallifay wax ka weydiinno, haddana noomay suuragelin inaannu helno.

Hase-yeeshee, waxaannu halkan hoose idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal kooban oo laga duubay Hadallada ay is-weydaarsadeen Masuul UNICEF ka tirsan iyo Wasiirka Waxbarashada Somaliland, isagoo Wasiir Cabdillaahi-dheere sheegaya awoodda uu leeyahay inuu ka qaado Mashruucaas iyo Sababaha uu u cuskaday. Waxaanad ka Daawan kartaan Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan:-

Comments are closed