|

Shacab Ku Bannaanbaxay Maayerka Laascaaanood oo ay ku eedeeyeen inuu Lunsaday Raashin Caawimo ah,Ciidanka oo Rasaas ugu Jawaabay & Xildhibaan Cadaysay in Mudanayaal Golahooda ka Tirsani ay Fadhataysteen Taakuladii danyarta DAAWO

Laascaanood 02. December 2016 (SDN/QJ):- Dadweynaha Danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa ku bannaan-baxay xarunta dawladda Hoose ee magaaladaas, iyaga oo ka cabanaya in Raashin caawimo ah oo loogu talo-galay Dadka Danyarta ah, kuwa Abaartu saamaysay iyo Dadka Abaaraha ku soo barokacay ee deegaankaas, in uu Maayerka Laascaanood Guri ku xidhay oo aanu qaybinnin Raashinkaas.

dadweyne-ku-muddaharaaday-maayerka-laascaanood-oo-ay-lunsi-ku-eedeeyeen-2016Mid ka mid ah Xildhibaannada Golaha deegaanka degmada Laascaanood oo Dadweynaha cabanayey la hadashay, ayaa Maayerka ku eedaysay inuu Raashinkaa Caawimada ah xaraystay, isla markaana Xildhibaannadii Golahaas ee la doortay Guddi ka tirsan oo uu magacaabay Maayerku mid walba siiyey toban Qoys Raashinkood, kuwaasoo iyaguna ka fadhiistay u hadalka dadkaas danyarta ah.

Ciidanka ilaalada Maayerka degmada Laascaanood, ayaa Rasaas nool kala hortegay dadkaas si ay u kala eryaan, inkasta oo aanay cid ku dhicin xabbadaasi, waxaanannu sida Jewigu ahaa, isu soo baxaas iyo cabashada Dadweynahaas Danyarta ah, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho habboon:-

Comments are closed