|

Faratoon oo loo doortay Gudddoomiyaha Wakiilada iyo saameyntiisa Sool

Hargeysa July 23, 2023 (QJ) – Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta guddoomiye cusub u doortay Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Doorashadii baarlamaanka ee maanta ayuu, Faratoon wuxuu helay 46 cod, isagoo ka guuleystay xildhibaan Maxamed Khadar Daahir oo la tartamayayna waxa uu helay 35 cod oo keliya.

Guddoomiyaha cusub ayaa si weyn ugu mahad celiyay 82-kii xildhibaan ee ka soo qeyb galay doorashada, waxaana uu ballan qaaday inuu si hufan uga shaqeyn doono horumarka golaha. Waxa uu xilka kala wareegi doonaa gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada C/risaaq Khaliif oo xilkaa iyo Somalilandba isaga tegey dagaalka Sool, kuna biiray SSC.

Haddaba, Faratoon oo ka soo jeeda gobolka Sool oo muddooyinkii u dambeeyay ay colaado ka jireen ayaa xusay in haddii la doorto uu ka shaqayn doono sidii nabad loogu soo dabaali lahaa gobolka.

Sidoo kale, Sarreeye Guuto Mahad Cambaashe oo ka mid ah saraakaalka keliya ee reer Sool ah ee weli katirsan ciidamada Somaliland ee fadhigoodu yahay magaalada Laascaanood iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda, ayaa sheegay inay taageersan yihiin guusha Faratoon, iyagoo sheegay inuu wax walba ka hormarin doono xasilloonida magaalada Laascaanood.

Gobolka Sool ayaase dad badani qabaan in ay adagtahay in dib loogu soo celiyo gacanta Somaliland, ka dib xadgudubyada aadane ee ay xukuumada Muuse Biixi halkaa ka geysatay.

Comments are closed