|

Wasiiro ku ooyay Faysal Cali waraabe iyo Jamaahiirtii UCID oo ka gadooday hadal jilicsan oo uu jeediyay

Hargeysa July 24, 2023 (QJ) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee UCID oo maanta dalka ku soo noqday ayaa si weyn looga sugayay in uu ka hadlo Khillafka Siyaasadeed ee xisbigiisa iyo dalkaba saameeyay.

Guddoomiyaha ayaa sida uu hore u sheegay daadifeeyay goaankii Guudida doorashooyinka Muuse Biixi ay ku iclaamiyeen doorashooyinka Ururada aan sharciga aheyn iyo dib u dhigida tii Madaxtooyada ee sharciga aheyd.

Kuxigeenka 1aad iyo Xoghayaha Guud eeĀ  xisbiga UCID ee garabka HEEGO u shaqeya ayaa dhawaan warbaahinta ka shaaciyay goaamo beeleysan oo lidi ku ah siyaasada Xisbiga, manatana kama soo xaadirin soo dhaweynta Guddoomiyaha.

Si kastaba ha ahaatee, sida ilo wareedyo ka agdhow Guddoomiyaha UCID ay noo sheegeen, waxa garoonka duyuuradaha maanta ku sugnaa tiro wasiiro ah oo kulan khaas ah la yeeshay Faysal kana baryay in aanu xaalka uga sii darin, dalkuna galay saansaan colaad sokeeye.

Faysal oo hore u sheegay in aanu horeba reerkiisa ugu raaciin dagaaladii hore ayaa si fudud arinkaa ku qaatay, mana aha Faysal markii u horeysay ee sidaa dhibka yar loo seejiyay fursado siyaasadeed oo soo maray tiroba boqolaal jeer.

Waana sababta ay niyad jabka soo dhaweyntiisii dabadeed dadku halkaa uga huleeleen maanta. iyaga oo leh walee Faysal iyo Cirro ayaan soo daahirin.

Taageereyaasha ayaa maanta filayay in Faysal maanta iclaamiyo marka ay u yar tahay dagaal siyaasadeed, balse taa ma dhicin, waxaanu halkaa ka jeediyay khudbad geed uga kac u muuqatay.

Si Kastaba ha ahaatee, waxaan haatan talo gacanba ugu jirin Faysal iyo Cirro oo horeba aan talo shacab siyaasada ku joogin, iyada oo maalin weliba ay sii dhaboobeyso cida ay siyaasada ku metelaan.

Waxaase haatan nasiib wanaag ah in dadkii isku tashteen oo ay diyaarna weliba u yihiin in ay isla tuuraan Muuse Biixi iyo horgeleyaashiisa siyaasadeed.

Waxaana isa soo taraysa tirada ciidamada isbedel doonka ah ee haatan ku hawlan soo afmeerida xukuumada taladeedu ku soo ururtay galbeedka magaalada Hargeysa.

 

Comments are closed