Fidlan oo dooneya in ay soo celiso Qaxootiga Soomaalida

Muqdisho (QJ) – Wasiirka arrimaha gudaha ee Finland, Meri Rantanen, oo ka tirsan xisbiga midigta-fog ee Finland, ayaa booqasho ku timid Soomaaliya. Ujeeddadeedu waxa ay ahayd in ay wada hadal la yeelato mas’uuliyiinta Soomaalida si loo dejiyo qaabkii dib loogu celin lahaa magan-gelyo-doonka Soomaalida ee hadda deggan Finland.

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Finland. Dad badan ayaa aaminsan in tallaabadan ay qeyb ka tahay olole siyaasadeed oo lagu bartilmaameedsanayo Soomaalida aan sharciga heysan ee ku nool Finland.

Bayaanka, Rantanen wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Finland ay doonayso inay abuurto iskaashi wax-soo-saar leh oo ay la yeelato Soomaaliya oo ay ka faa’iidaystaan ​​labada waddan.

“Muhiimadda ugu sareysa Finland waa in la sameeyo qorshayaal wax ku ool ah oo la xiriira dib u celinta iyo kor u qaadista iskaashiga Soomaaliya ee arrimahaas. Tani waxay ka tarjumaysaa rabitaanka xisbiga Finland ee ah in la sameeyo qaab lagu soo celinayo magangalyo-doonka Soomaaliyeed ee degan Finland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Taas beddelkeeda, dawladda Finland waxay dib u bilaabi doontaa barnaamijkeeda horumarinta laba geesoodka ah ee Soomaaliya, kaas oo hore loo joojiyay ka dib go’aan ka soo baxay wasiirka ganacsiga iyo horumarinta Finland, Ville Tavio, oo sidoo kale ka tirsan xisbiga Finnishka.

Wasiirku waxa uu caddeeyey in iskaashiga horumarineed uu ku xidhan yahay dalalka ogolaa in ay aqbalaan soo celinta muwaadiniintooda marka ay ka codsato Finland.

Marka laga soo tago qoraal kooban oo la soo dhigay barta Facebook ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, dowladda Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin socdaalka Wasiirka Arrimaha Gudaha Finland iyo wax wada tashi ah oo ku saabsan qorshaha dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa la kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, C/llaahi Sheekh Ismaaciil.

Ma cadda tirada saxda ah ee dadka aan sharciga lahayn ee Finland laakiin waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 3,000 ilaa 6,000, sida ay sheegtay wakaaladda qaxootiga ee Finland. Tirada Soomaalida aan sharciga haysan ee Finland ayaa lagu qiyaasaa 100-200 oo qof.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in tiradan yar aysan culeys weyn ku heyn dowladda iyo bulshada Finland. Waxay ku doodayaan in sababta dhabta ah ee ka danbeysa in arrintan Soomaaliya loo soo bandhigo ay tahay sidii loo xoojin lahaa ololaha xisbiga Finishka ee doorashooyinka dawladaha hoose iyo kuwa gobollada ee soo socda ee la qorsheeyay inay dhacaan Abriil 2025.