Uncategorized

Fiiq: Go’aamo Cusub oo ka Soo Baxay Shirweynihii 8aad Ee Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Itoobiya Iyo Liiska Magacyada Loo Doortay Hogaaminta Xisbiga

Fiiq 08.Oct 2014 (SDN/QJ)- Shirweynihii 8aad ee Xisbiga dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya oo lagu qiimaynayay warbixintii u dhaxaysay labada shirwayne ee Birqod iyo Fiiq, ayaa furmay, kadibna waxaa lagu ansixiyay warbixinnadii iyo Jihooyinkii siyaasadeed ee XDSHSI u yaalay.

Shirkii-JigjigaGuud ahaan geedi socodka shirwaynaha ayaa ahaa mid waafaqsan xeer hoosaadka xisbiga iyo nidaamka dimuqraadiga ah. waxaa hoolka shirwaynahan 8aad ka soo qayb galay 2143 xubnood oo ay 543 kamidi ahaayeen xubnaha codka leh ee ay soo Wakiisheen Dhammaan 68 Degmooyin, Sagaalka gobol, iyo Is-maamullada Diridhaba iyo Addis Ababa. Waxaa kaloo, ka soo qayb-galay Wakiillada ka socday ururrada bah-wadaagta la ah XDSHSI oo uu ugu horeeyo ururka talada dalka haya ee EPRDF.

Haddaba,Waxaa hoolkii shirwaynaha 8aad ka socday magaalada Fiiq si hab-sami iyo sharciga waafaqsan uga dhacday doorashadii iyo cod bixintii xubnaha golaha dhexe ee xisbiga. Waxaana la doortay 51 xubnood oo golaha dhexe ah kadib markii uu shirgudoonku si sharciga waafaqsan ugu dhawaaqay bilaabista codbixinta Xubnaha codka leh iyo nidaamkii doorashada.

51 Xubnood ee golaha dhexe ayuu Xisbigu doortay Xilka muddo laba sano iyo badh, taaso noqonaysa wakhtiga shirwaynaha 9aad ee XDSHSI. Waxaana ka mid ahaa magacyada Xubnaha loo doortay Golaha Dhexe 15 xubnood oo ay ku jiraan hogaamintii islamarkaana ah gudigii fulinta, waana magacyada hoos ku xusan:-

1-Gudoomiyaha xisbiga ahna afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq.
2-Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
3-Kuxigeenka Madaxwaynaha DDSI ahna wasiirka Waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir.
4-kuxigeenka madaxwaynaha DDSI ahna wasiirka Hor. magaalooyinka, dhis. warshadaha DDSI.
5-Madaxa xarunta dhexe ee XSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi.
6-Wasiirka Madaxtooyada DDSI mudane Axmed Maxamed Shugri.
7-Wasiirka Adeega Shacabka muadane Khadar Cabdi Ismaaciil.
8-Maareeyaha Wakaalada Jidadka DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax.
9-Maajida Maxamed Maxamuud.
10-Gudoomiye kuxigeenka gobolka Liibaan mudane Maxamed Daahir.
11-Gudoomiyaha gobolka Jarar mudane Cabdi Jamaal Qaloonbi.
12-Gudoomiyaha gobolka Nogob mudane Cabdi Cali Mataan.
13-Gudoomiyaha gobolka Qoraxey mudane Yusuf Aadan Yusuf.
14-Mudane Aadan Kuusaw Cali.
15-Mudane Cumar Maxamed (Rooti).

kadib markii la dhameeyay warbixinadii, doorashadii xubnaha golaha dhexe, gudiga fulinta, gudiga daba-galka ee Xisbiga ayaa sidoo kale waxa laga hadlay go’aamada iyo qorshayaashii siyaasadeed ee Xisbigu soo saaray.

Waxaa ururka EPRDF u hadlay mudane Amanuel Abaraham oo ka socday Xarunta dhexe ee EPRDF,kaasoo soo jeediyay khudbad taageero ah oo uu muujiyay sida uu ururkiisa uga go’an tahay inuu taageero XDSHSI, wuxuuna aad u ammaanay nidaamka dimuqraadiga iyo bisaylka siyaasadeed ee uu xisbigu gaadhay iyo guud ahaanba geedi socodka shirwaynaha 8aad bilow ilaa dhamaad, isagoo sheegay in isaga iyo ururkiisu taageero la garab taagan yihiin hir-galinta qorshayaasha ka soo baxay shirwaynaha.

Sidoo kale, waxaa isaguna Wakiillada ka soo qayb-galay ka mid ahaa Wasiirka golaha wasiirrada ee DFI mudane Eshatu Dhese oo hoosta ka xariiqay sida ay u dhacday doorashada Xubnaha golaha dhexe, wuxuuna ku tilmaamay inay Xubnaha la doortay, gaar ahaan hogaaminta inay yihiin kuwo ay ka go’an tahay awoodna u leh hir-galinta qorshaha siyaasadeed ee xisbiga.

Mudane Tawaldhe Berhe oo ka socday xarunta dhexe ee ururka TPLF ayaa isaguna ammaanay isla markaana bogaadiyay habsami u socodkii nidaamka shirwaynaha. Waxay ammaaneen sida ay Xubnaha Xisbigu isula halgameen una xaliyeen dhibaatooyinkii labadii bilood ee u danbaysay ee ay wadeen Xubno ka mida Xisbiga iyo guud ahaanba go’aamadii ka soo baxay shirwaynaha.

Wakiilladii ka socday deegaanada Canfarta iyo Hararida oo iyaguna sidaas si la mida bogaadiyay go’aamadii shirka ayaa sidoo kale soo jeediyay khudbado dhaxal gal ah. Guud ahaan shirwaynaha ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u qurux badan iyadoo aan hadii Eebe noo saamaxo aan dib idin kala soo socod-siin doono faah faahinada qaybihii kala duwanaa ee Shirwaynaha.

Fiiq SDN/QJ

contact@qurbejoog.com