Uncategorized

(Furaha taleefannada Soomaaliya ee 252 waa hanti-qaran) Prof Jawaari

Muqdisho 12,May 2015 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha baarlammaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in lambarka lagu soo celiyo gacanta dowladda, maaddaama uu yahay hanti-qaran.

jawaariSida ay sheegtay warbaahinta dowladda, Jawaari ayaa xukuumadda ku boorriyay inay shirkadaha isgaarsiinta kala xaajooto soo-wareejinta lambarka iyo bixinta canshuurta qaranka.

Dhinaca kale, guddoomiye Jawaari ayaa shirkadaha isgaarsiinta ku ammaanay inay qabteen hawl muhiim u ah dalka iyo dadka.

Sida ay Soomaaliya u leedahay lambarka 252 ee furaha u ah wicitaanka taleefoonnada gudaha dalka ayaa waddan kasta oo ka tirsan caalamka wuxuu leeyahay lambar gaar u ah oo loo adeegsado wicitaanka taleefoonnada gudihiisa.