|

GAAS: “Waxaan Qorshaynaynaa Inaan Ka Go’no Soomaaliya Inteeda Kale”

Gaas

GAROWE — Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo waraysi siiyay wargeyska lagu magacaabo Kaah Bari ee ka soo baxa magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa ka hadlay arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.

Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay ku dhaqaaqi doonto saddex go’aan oo ay ka mid yihiin in ay taageerto go’aankii ka soo baxay shirka madasha ee ahaa in aqalka sare lagu soo xulo qaab maamul goboleed kan hoosena lagu saleeyo hanaanka 4.5,inay gabi ahaanba ka hortimaado heshiiskaasi beesha caalamku ay soo dhawaysay ee magaalada Muqdisho lagu gaaray iyo in puntland ay ka go’do soomaaliya inteeda kale.

Madaxweynaha maamulka puntland cabdiwali maxamed cali ayaa intaa ku daray in puntland iyo shacabkeedaba ay horyaalaan saddexdaa go’aan midii u fiican islamarkaana ay qaadan doonaan.

dhawaan waxaa puntland gaadhay wafdi ka socda beesha caalamka islamarkaana uu hor kacayay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliya,waxaana puntland iyo beesha caalamka halkaa ku dhexmaray kulamo aan natiijo ka soo bixin.

hadalka cabdiwali gaas ee ah in puntland ay qorsheyneyso inay ka go’ida soomaaliya inteeda kale ayaa imaanaya xilli puntland ay diidan tahay in wax lagu qeybsado hanaanka 4.5 ee dowladda soomaaliya ee hadda jirta ay ku dhisan tahay.

Comments are closed