|

Daawo Sawirada: Qarax lagu dilay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho — Waxaa duhurnimadii maanta qarax xoogan oo gaari nuuca raaxada lagu soo xiray lagu dilay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumadii KMG aheed ,Muxudiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladihii dalka soo maray.

Masuulkan ayaa gaari yar uu watay oo lagu soo xiray waxyaabaha qarxa uu ku qarxay agagaarka isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ku dhitay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumadii R/Wasaare Nuur Cadde Muxudiin Maxamed Xaaji Ibraahim, qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay qof kale oo gaariga la saarnaa.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulan C/Qaadir Barnaamij ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay geerida Muxudiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo ahaa gudoomiyihii golaha dhexe ee urur siyaasadeedka Kulan , waxa uuna tilmaamay in masuulkan uu ku dhintay qaraxa gaarigiisa loogu soo xiray.

Qaraxyada gaadiidka loogu soo xiro dadka masuuliyiinta iyo dadka kale ee muhiimka ah ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan inta badan ku dhintay dadka wada gaadiidka lagu soo xiro.






Comments are closed