|

Gabo-Gabada Muddo Xilliyeedka Madaxtooyada, Danaha Dhaqaale Ee Imaaraadka Iyo Ujeeddada Safar loo qorsheeyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Hargaysa 06.May 2016 (SDN/QJ):- Wafti Ballaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Aadan (Siilaanyo) ayaa la filayaaa inay u ambo baxaan Caasimadda waddanka Imaaraadka Carabta ee Abu Dahabi halkaasi oo la filayo in maalmaha soo socda ay ku sugnaadaan.

 

Ilo-wareedyo ka ag dhaw ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay in ay salka ku hayso xidhiidhkii wajiyada badnaa ee isa soo tarayey ee muddoba u dhaxeeyey Somaliland iyo jihooyin kala duwan oo leh Hay’ado, shakhsiyaad ganacsato ah iyo maal-qabeeno carbeed oo u dhashay dalkaasi Imaaraadka Carabta taasi oo uu suurto galiyey Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar kaasi oo dadka arrimahaasi u kuur gala ku sheegaan in uu yahay mashruuc ballaadhan oo dhaqaale oo inta badan qoyska madaxtooyadu aad ugu xidhan yihiin.

 

kahaahSafarka Madaxweynaha ee  u kicitimay dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in ay ku weheliyaan Marwada Madaxweynaha Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde (Aamina Weris), Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha iyo Masuuliyiin kale oo aad u tiro badan iyada oo xogaha safarkaasi ku lammaanaa tibaaxanayaan in ay safarkan ka mid yihiin salaadiin, dad aan xilal ka hayn qaranka oo madaxtooyada ka ag dhaw iyo saraakiil kale oo aad u tiro badan.

Ujeedada safarka Madaxweynaha ayay ilo-wareedyo Madaxtooyada u dhuun daloolaa ku sheegeen in ay tahay xafiis Somaliland ku yeelan doonto waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo Madaxweynuhu xadhiga ka jiri doono kaasi oo noqon doona kii ugu horreeyey ee Somaliland ku yeelato dalalka Khaliijka Carabta iyada oo dadka aadka u badan ee safarkaasi Madaxweynaha ku wehelinayay ay ka qayb gali doonaan fantasiyaha furitaanka xafiiskaasi.

Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey isku soo dhawaanayay iyada oo Safiirka Somaliland dalkaasi u fadhiyaa sameeyey dadaalo badan oo uu ku soo jiitay maalqabeeno carbeed, ganacsato iyo hay’ado samo-fal oo dalkaasi ka dhisan kuwaasi oo qaarkood gacan ka gaysteen abaabrihii ba’naa ee sannadkan ku habsaday geyiga Somaliland, wallow aanay sidii baahidu ahayd ee loogu baahnaa aanay wax badan ka gaysan.

Dadka u kuur gala danaha Madaxtooyada ee dalalka Carbeed ayaa sheegaya in safarkani ku soo beegmayo wakhti halkii ugu sarraysay ay marayso xidhiidhada isa soo taraya ee Madaxtooyadu la leedahay saraakiil iyo shakhsiyaadkaasi ganacsatada ah ee Imaaraadka taasoo keentay in heshiisyo intooda badan aan la ogayni dhex maraan dawladda iyo Jihooyinkaasi kala duwan ee Imaaraadka carabta oo la sheegay in ay u badan yihiin mashaariic qaarkood lagu sheego horumarin Somaliland ka faa’iidayso balse in badan oo dadka arrimahan u kuur galaa ku sheegaan kuwo dano dhaqaale ah oo ay Madaxtooyadu ka faa’iidaysato.

Inkasta oo tiraba dhawr jeer safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabtu Mudane Baashe Cawil Xaaji Cumar uu dhagax dhigay dhawr mashruuc oo laga leeyahay dalkaasi Imaaraadka oo uu ku jiro kii dhawaan Berbera laga dhagax dhigay oo lagu sheego mashaariic horumarineed haddana ma jiraan xogo sugan oo rasmi ah oo laga hayo xaddiga mashaariicdaasi, hannaankooda bannaan yaalnimo (Transparency), cidda bixinaysa, sida loo bixinayo, cidda masuulka ka ah iyo sida ay dani ugu jirto qaranka iyada oo in badan oo dadka u kuur gala hawlahani ku doodaan in ay yihiin kuwo aan sugnayn oo dano dhaqaale oo gaar ahi ugu jiraan qoyska Madaxtooyada hadana ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sida wax uga jiraan arrimahaasi, waxaanse shaki ku jirin in ay hawlahani si isa soo taraysa u kordhayaan wakhti gabogabo ay ku jirto muddo xilliyeedka Madaxtooyada Somaliland.

Comments are closed