|

Wajiga Hore Ee Mashruuca Internet-Ka Cable-Ka Cummaan, Somaliland Iyo Itoobiya Oo Guul Ku Dhammaaday Iyo Faa’iidada Somaliland Ugu Jirta

Muscat, 6 May, 2016-(SDN/QJ):– Sahankii Xadhiga Cable-ka Internetka ee Lagu samaynayay Xeebta Badda Cas ee Magaalada Berbera ayaa wajigiisii hore si guul ah gabogabo ugu dhammaaday iyada oo qorshaha Xadhiga Xambaara Hirarka Internetka ee G2A Undersea Fiber-optic Cable Ku dhaw yahay dhammaad isaga oo guda gali doona wajigiisa labaad oo ah sidii loo bilaabi lahaa soo xidhka Internetkaasi oo isku xidhi doona dalalka Cummaan, Somaliland, Itoobiya Iyo Puntland kaasi oo ah mashruucii ugu ballaadhaa ee abid laga hirgeliyo Gacanka Carbeed iyo Dalalka Bariga Afrika (Gulf To Africa G2A Undersea Fiber-optic Cable) ee dhinaca Internetka ah.

 

G2A-for-LinkedIn-PostWarar ka soo baxay kambaniga Omantel ee dalka Cumaan ayaa sheegay in wajiga hore ee dhammays-tirka mashruucaasi ballaadhani ku soo dhammaaday sahamin baaxad weyn oo laga sameeyey laba dhinac oo kala ah dhinaca Badda oo ah goobta uu xadhigani soo mari doono o ah marin biyoodka u dhaxeeya Somaliland illaa dalka Cumaan ee ka mid ah dalalka Khaliijka iyo dhinaca Barriga ee dhulka ah ee dalalka Somaliland iyo Itoobiya iyada oo laba kambani oo kala duwani qaateen labadaasi sahamin si guul ahna ay u soo gabo gabeeyeen, iyada oo hawshan gabagabadeedii ahayd markabkii dhawaan xeebta Berbera ka samaynayay sahanka marinka maayadda Internetkan isaga oo Kambaniga Omantel Mashruucan ku tilmaamay kii ugu ballaadhanaa ee dhex mari doona dalalka Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin Somaliland, Itoobiya iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, kaasi oo isku xidhi doona Geeska Afrika iyo Gacanta cadmeed, wakhti isgaadhsiinta casriga ah ee Internetku ka mid tahay nolol maalmeedka shucuubta adduunka iyo horumarka dhinacyada dhaqan dhaqaale.

 

G2A-Consortium-MembersMashruuca G2A ee Xadhigga badda hoosteeda mara ee Internetku waxa uu ka koobnaan doonaa oo wadaagi doona Kambaniyada Ethio Telecom oo laga leeyahay dalka Itoobiya, TELESOM oo Somaliland ah iyo Golis Telecom oo ah kambani isgaadhsiineed oo laga leeyahay maamulka Puntland ee Somalia. Qorshaha mashruucan ayaa la filayaa in uu gabagabadiisu noqdo sannadkan aan ku jirno ee 2016 sida jadwalka qorshaha mashruucani yahay kaasi oo xambaarsan awood Internet oo dhan 20T Bits oo ay weheliso maayaddii ugu dambaysay ee dhinaca Tiknoolajiyada Internetka oo dhan 100G.

Somaliland oo ka mid ah dalalka sida weyn ugu soo xidhmaya dhinaca is-gaadhsiinta Internetka oo horumar ballaadhan ka samaysay ayaa mashruucani u noqon doonaa mid wax weyn ku soo kordhin doona ganacsiga iyo isgaadhsiinta halka sidoo kale mashruucani saamayn ballaadhan ku yeelan doono oo sii kordhin doono xidhiidhka ganacsi iyo istaraatiijiyeed ee u dhaxeeya dalalka Somaliland iyo Itoobiya wakhti dalka Itoobiya ku soo xidhmayo isticmaalka Dekedda Berbera.

Comments are closed