|

‘’Gacantii Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Cirro uu u taagay Axmed Muumin Seed, oo ka baxay golihii iyo kursigii oo bannaan waxaanu u fahanay ku digasho.”Siyaasi Maxamud Raage

Hargaysa 28.October 2016 (SDN/QJ):-Maxamuud Raage Ibraahim oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, ayaa dhaliilay qaabka uu u dhacay shirkii golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kaas oo todobaadkii hore ka qabsoomay magaalada Hargeysa.

maxamuud-raage-310x233Maxamuud waxa uu  Murrashax Cirro ku naqdiyay in uu qaab ku digasho ah ugu coddeeyay Axmed Muumin Seed, isla markaana uu gacanta u taagay murashaxa madaxweyne ku xigeenka oo ka baxay madasha intii aanay bilaabmin doorashadu.

Siyaasi Maxamuud Raage waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa, oo uu shalay ku soo laabtay, kadib markii soo dhamaystay safar shaqo oo uu dalalka qaarada Yurub ugu maqnaa muddo dhawar todobaad ah.

Maxamuud isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ““Intii aan maqnaa wax badan ayaa dalka ka dhacay, meelo badan ayaa is bedel ka dhacay, laakiin arrintii ugu dambaysay ee xisbiga WADDANI, hab dhaqankii loola dhaqmay guddoomiye ku xigeenkii koobaad ee xisbiga oo ahaa murashax madaxweyne ku xigeen, arrin naxdin leh ayuu ahaa, dad badan oo qurbaha joogaana aad bay uga xumaadeen.”

Siyaasigani waxa kale oo uu intaasi ku daray “Dadku xisbiyo ha kala ahaadaan, laakiin dadku waa walaalo oo waa saaxiib, siyaasaduna qiimo badan ma laha, in dadku isu naxariisto oo aan qoorta layska goynin ayaa fiican.”

CirroMr. Maxamuud waxa uu naqdiyay qaabkii uu guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ula dhaqmay guddoomiye ku xigeenkiisii, waxkhitigii ay socotay doorashadii xisbiga guddihiisu, waxaanu yidhi “Run ahaantii gacantii dambe ee guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro uu u taagay Axmed Muumin Seed, oo ka baxay golihii iyo kursigii oo bannaan waxaanu u fahanay ku digasho.”

Siyaasi Maxamuud Raage waxa uu dhaliilay habdhaqankii Cabdiraxmaan Cirro, intii uu socday shirkii golaha dhexe ee xisbigaasi, waxaanu yidhi “Tarbiyaddaasi maaha tarbiyad loo gudbin karo jiilka soo socda, wax ay xiisaynayaan oo xisbiyada qiimo u samaynaya maaha, waxaa la inoo arkayaa raggeena siyaasadda ku jira rag uun is wanjalaya, arrinkaasi arrin naxdin leh ayuu ahaa, waanan uga tacsiyadaynayaa Axmed Muumin Seed.”

Comments are closed