Uncategorized

Ganacsatada Burco oo Cabasho Mug leh ka Muujiyay Cashuur kodhin ay Xukuumadu ku samaysay

Burco 16.Sep 2013 (SDN)- Ganacsatada xoolaha ee magaalada Burco ayaa ka cabanaya canshuur kordhin uu maamulka Somaliland dhowaan ku soo rogay ganacsiga xoolaha  Burco iyo magaalooyin kale.

XOOLAHAMaxamed Maxamuud Axmed oo ku magac-dheer Shilin Calawaash, kana mid ah ganacsatada xoolaha Burco ayaa  sheegay in lagu kordhiyay lacag  la mid ah middii hore looga qaadi jiray ganacsiga xoolaha.

Shilin Calawaash ayaa intaas ku daray in sidoo kale ay jiraan lacag dheeri ah oo ay ka qaataan dad u abaabulan qaab qabiil oo aan hoos-tagin maamulka.

Ganacsatada ayaa sheegay inaysan diiddanayn canshuuraha caqli-galka ah, waxayse maamulka Somaliland iyo kan gobolka Togdheerba ka codsadeen in ay wax ka qabtaan waxa ay ku sheegeen dhac aan loo kala harin oo loo geysanayo.

Burco SDN.

Qurbejoog.com