|

Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho Oo Lagu Soo Kordhiyey Qalab Fududeynaya Inuu Habeenkii Shaqeeyo

Muqdisho 24. May 2017 (SDN/QJ):- Shirkadda Favori ee maamusha garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ku wareejisay dowlada Somalia qalab suuragelinaya in garoonku uu habeenkii shaqeeyo.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad ayaa sheegay in qalabkan ay soo iibsatay dowlada Somalia ayna ujeedada laga leeyahay tahay in habeenkii garoonku shaqo bilaabo si loo balaariyo howlaha garoonka.

 

Maareeyaha Hey’adda Saadaasha iyo duulista iyo saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in qalabkan uu wixii hada ka dambeeya garoonka Muqdisho uu la mid noqonayo garoomada caalamiga ah wuxuun xusay in si deg deg ah loo rakibi doono.

Saraakiisha shirkada Favori ayaa sheegay in qalabkan uu yahay mid casri ah oo ay soo iibsatay dowlada, iyaguna ay gacan ka geysteen sidii uu dalka u soo gaari lahaa.

 

Garoonka dayuuradaha ayaan xiliyada habeenkii si rasmi ah u shaqeynin tan iyo markii ay la riday dowladii milateriga aheyd 27 sano ka hor.

 

Guuxa dayuurado soo degaya iyo kuwa haadaya ayaa xiliyada habeenkii laga maqlaa garoonka aadan Cadde, waxaana la sheegay in dayuuradahaas oo u badan kuwo milateri lagu soo dejiyo qalab guur-guura oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Comments are closed