|

Gobol Ka Tirsan Dalka Maraykanka oo Dib loo Tirinayo Codadkii Doorashadii Madaxtinimo & Madaxweynaha la doortay Donald Trump oo Falkaas Khiyaano ku Tilmaamay

Washington 28. November 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa khiyaamo ku tilmaamay dib u tirinta codadkii laga dhiibtay gobolka Wisconsin .

16yedlWaxaanuu sheegay in xataa Hillary Clinton markiiba aqbashay natiijadii ka soo baxday gobolkaas oo isaga guushu ku raacday codad aad u yar.

Laakiin xisbiga Green Party ayaa si rasmi ah u codsaday in lagu noqdo tirada si loo hubsado in qolyaha kombuyuutarrada jabsadaa aanay lug ku lahayn.

Sida la ogyahay Intii uu socday ololihii doorashada, Donald Trump wuxuu dhaleeceyn jiray sax ahaanta hanaanka doorashada Mareykanka.waxaanuu xilligaas ku andacoon jireylin wax is daba marini ay jirto, wuxuuna diiday inuu caddeeyo inuu natiijada aqbalayo haddii laga guuleysto.

Hadda saraakiisha doorashada ee gobolka Wisconsin waxay ku dhawaaqeen inay dib u tirinayaan codadka, ayagoo ka jawaabaya dalabka xisbiga mucaaradka ee “the Green Party”iyadoo Murashixii doorashada ku matalaysay, Jill Stein ay sidoo kale dooneyso in dib loo tiriyo codadka laba goboloo kale kuwaasoo kala ah, Michigan iyo Pennsylvania.

Musharrixii Mr Trump sida weyn ula tartantay Mrs, Hillary Clinton waxay markii hore rabtay inaanay dood gelinin natiijada doorashada.

Balse kooxdeedii u qaabilsaneyd ololaha waxay shaaciyeen inay go’aansadeen inay la saftaan xisbiga kale ee The Green Party.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Donald Trump waxaa lagu eedeeyay Jill Stein, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka inay dooneyso inay dhaqaale ugu sameyso xisbigeeda ayadoo ku an docooneysa in lacag ay udooneyso  dib u tirinta.

Haddii dib loo tiriyo natiijada oo la aqbalo dalabka cusub, waxay dhallin kartaa in guushii Mr Trump uu dhaawac weyn u geysato.

Comments are closed