|

Hogaamiyihii iyo Aabihii Shuuciyada Dalka Cuba Fidel Castro ee Geeriyooday Iyo Warbixin Ku Saabsan Taariikhda Noloshiisa

Hargaysa 28. November 2016 (SDN/QJ):- Fidel Castro waxaa uu sanadku markii uu ahaa August 1926 ku dhashay Wuxuu ku dhasahy magaalada la yidhaa Las Manacas.waxbarashadiisa waxaa uu bilaabay isagoo Afar jir, reerka uu ka dhashay waxaa ay ahaayeen dad faqiir oo beero falato ah, Horaantii Qarnigii labaatanaad ayaa la sheegaa inuu Aabbihii u tahriibay Cuba isagoo ka tagay Dalka Spain.

fidel-castroFidel Castro iyo dalkiisu wuxuu go’doon caalamka ka ahaa dhowr iyo Afartan sano. Wuxuu ka mid ahaa odoyaashii hor boodi jiray mabda’ii Shuuciyadda ee (Howl iyo Hanti-wadaaga) wuxuuna cadaw la ahaa dal waynaha Maraykanka oo isna hogaaminayay mabda’ii Hanti-goosadka.

Wuxuu aad u soo caan baxay markii uu ka adkaaday jabhad uu Maraykanku soo hubeeyay oo u badnaa qaxootigii ka cararay Cuba ee galay dalkaas April 17 keedii 1961kii iyo markii uu dalkiisa si qarsoodi ah ugu casumay dalkii Midowga Suufiyeed inay gantaalladooda soo dhigtaan October 14, 1962.Waxaa la sheegaa inuu ahaa hogaamiyihii ugu badnaa ee dunida soo maray ee ka badbaada shirqoolada lagu Khaarijiyo madaxwaynayaasha.

Xafiltan ka dhaxeeyay Fidel Castro iyo Maraykanka waxaa uu gaadhey in labadaasi dalka ay 50 sano cadow isku ahaadaan dhinaca Siyaasada.

Geerida hoggaamiyihii hore ee dalka Cuba, Mr. Fidel Castro ayaa dadku ka bixiyeen aragtiyo kala duwan iyada oo dadka qaar  ay ugu yeedhayeen in uu ahaa hoggaamiye wanaagsan oo marxalado adag oo kala duwan dalkiisa kala soo dabbaashay halka qaar kalena ay u arkayeen nin diktaytar ah oo arxan darnaa. Fidel Castro waxa uu dalkiisa xukumayay Muddo ku siman 50 Sannadood waxaana la sheegayaa in uu ka badbaaday in ka badan 600 oo isku day dil ah oo ay u qorsheeyeen Maraykanka iyo xulafadiisu.

Waxaa la sheegaa in Fidel Castro uu dhisay waddan quwad iyo hub ku leh Aduunka, kaasi oo dadkiisu lasoo baxaan waxyaabo badan oo nolosha Bini’aadamku ku xidhantahay.

Fidel Castro waxaa uu ahaa Madaxwaynaha loogu jecelyahay dalkaasi Cuba waxaana uu maamulka dalkaasi hayay Mudo  50 Sano ah, 2006 waxaa badalay oo dalkaasi  hogaamiya Raul Castro oo ay walaalo yihiin Fidel Castro waxayna labadoodu ahaayeen markasta laba isbarbar taagan

Waxaa la sheegaa in labadan Nin Raul Castro iyo Fedel Castro ay aad isku dhawaayeen islamarkaana jabhaddii Maraykanku soo hubeeyay ee dalkaasi  soo weerartay uu ciidankii  ka Hor tagay dagaalkaasi  Hogaaminayay Raul- Castro  hadda madaxwaynaha ah Dalka Cuba.

Sidoo kale waxaa la sheegaa inuu ahaa Hogaamiye la dagaalamay Midab Takoor iyo maamulka Reer Galbeed oo afrikaan badan uu taageero ku siiyay si ay iskaga qaadaan Gumeysataha.

Waddamo Badan oo Afrikaan ah waxaa uu ka ahaa Geesi la mid ah Nelson Mandela, Balse Soomaali badan Fidel Castro  waxay ku xasuustaan  garabkii uu 1977 kii  siiyay dawladda Ethiopia ka dib markii ay ciidamadii Soomaalidu jabiyeen kuwii Xabashida.

Fedal Castro ayaa doraad ku dhintay dalkiisa Kadib Halgan dheer oo uu uu soo Galay.

Comments are closed