|

Gobollada iyo Degmooyin ka mid ah Somaliland ay Ka Socdaan Ololeyaal Muuse iyo Madaxweyne Siilaanyo Lagu Kala Taageerayo

Hargeysa:May,31,2014(SDN/QJ)-Waxa  sii xoogaysanaya Xamaasadda u dhexeysa Madaxweyne Silanyo iyo Guddoomiye Muuse Biixi, taas oo la xidhiidha cidda Noqon doonta  Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga Kulmiye.

socoeeeInta Badan Degmooyinka Somaliland shacabka ku dhaqani waxa ay si weyn u hadal hayaan tartanka  sida lama filaanka ah uga  dhex bilaabmay Labadan nin oo muddo saaxiib soo ahaa, isla-markaana Duruufo badan ku soo wada  noolaa.

Xamaasadda ayaa Caasimadda ka dhex baxday, waxana ay Gaadhay Goobo aad u fog oo ay ka mid tahay Magaalada Ceerigaabo  oo laga dareemayo dhaqdhaqaaqa xiisaddan dhex taalla Hoggaanka dalka iyo Hoggaanka Kulmiye.

Magaalada Gabiley, ayaa ah xuddunta Xamaasaddani aloosaysa, waxana si weyn looga dareemayaa Taageero xad-dhaaf ah oo ay u muujinayaan Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, halka la sheegayo inay jiraan Dad  wali taageersan in Madaxweyne Siilaanyo Caynaanka Dalka loogu celiyo.

 

Magaalada Borama oo  ka mid ah Gobolada Galbeedka Somaliland ayaan laga dareemin wax dhaqdhaqaaq ah oo  lagu muujinayo xafiiltanka labada Nin, waxase Muuqata in Taageerada Gobolkaas intiisa Badan ay hore ula jirtey Madaxweyne Siilaanyo.

Bariga Somaliland marka la gaadho Magaalada Berbera, ayaa ayaa si weyn looga dareemayaa xaaladda siyaasadeed ee kacsan, waxana shacabka ku dhaqani ay mudaharaar xoog lagu kala dareeriyey ku muujiyeen taageerada ay u hayaan Guddoomiye Muuse Biixi.

Magaalada Burco guux badan ayaa laga dareemayaa, waxana shacabka ku dhaqani ay si hoose ula socdaan Loollanka jira, balse waxa aanay Muran ku jirin in Shacabkeedu Taageeradooda ukala qaybiyaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Waliba Tiro kale oo Taageerta Xisbiga Waddani, lamana  sheegin wax taageero Muuqata ah oo Muuse Biixi  halkaas looga Muujiyey.

Caasimadda Hargeysa oo ah Halka ay ku nool yihiin Dadka ugu badan ee Somaliland ku Nool, ayaa dhaqdhaqaaq badan laga  dareemayaa, waxana Taageerada Labada nin muujiyey dad badan, iyadoo waliba inta Badan culayska Xukuumaddu ku Hayso Taageerayaasha Muuse Biixi Cabdi oo is muujiyey.

Waxa jira Meelo Badan oo diyaar u ah inay si muuqata dibadda ugu soo saaraan Taageerada ay u hayaan Guddoomiyaha Kulmiye, balse waxa gacan adag isticmaalaya Ciidanka Booliska, waxana ay Dadka ka warwar qabaan rabshado halis keeni kara oo Bilaamba.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa wali u muuqda nin aan si dhib yar tanaasul u samaynayn, waxana wali aan Natiijo keenin kooxdii sheegtay inay dhexdhexaadin gelayso.

Dhinaca Guddoomiyaha Kulmiye lagama filayo inuu Tanaasul sameeyo marka loo eego musharraxnimada uu u halgamayo, waxase uu diyaar u yahay wax kasta oo middaas ka sokeeya.

Somaliland ayaa ku soo caano maashay isu tanaasul iyo is xaq dhawr balse taasi haatan waxay u muuqataa mid  fogaatay, waxase waajibka wayni uu maanta saaran yahay madaxweynaha oo isaga looga baahan yahay inuu ilaaliyo qaranimada iyo Mustaqbalka dambe ee Dalka.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed