Uncategorized

Golaha Amaanka oo dib u eegis ka sameynaya Cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya

New York Feb 02 2013 (SDN)– Sida ay qortay Wakaalada Wararka ee Reuters Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa u sheegay Golaha Amaanka in ay ka fakaraan in Soomaaliya laga qaado Xayiraada hubka oo saarneyd muddo 21-sano ah.

Ban Ki-moon ayaa tilmaamay in Xayiraada hubka oo la qaado ay Soomaaliya ka saacideyso dib u dhiska Ciidamda Qalabka Sida ee Soomaaliya in burburinta Xarakada Al Shabaab oo xiriir Furan la leh Ururka Al Qaacidda.

“Dadaaladan waxa ay u muuqdaan kuwa lagu xoojinayo, dibna loogu dhisayo  Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed” Ban ayaa sidaan yiri.

Ban ayaa carabka ku dhuftay in golaha Amaanka uu tixgalin doono codsiga soo noqnoqday ee ka imaanaya dowladda Soomaaliya kuwasi oo muujinaya in la qaado xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

Inkastoo Amaanka hormar laga gaaray maalmihii u danbeeyay ayaa hada Ban waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la helo dib u dhis loo sameeyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.

Dhawaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka sheegay Shir madaxeedka Midowga Africa in laga qaado Soomaaliya Cunaqabteynta saaran Soomaaaliya.

Soomaaliya ayaa xayiraada hubka ee saaran waxaa lagu soo rogay sanadkii 1992dii waxana dowladihii soo maray dalka 22-sano ee ugu danbeeyay ay codsanayeen in la qaado xayiraadaasi.

SDN-New York