Uncategorized

Golaha Wakiilada Somaliland oo beri u balamay ansixinta Xeerka Komiishanka Maamul Wanaaga ,Gudi loo saaray Xeerka Booliska , Iyo Mooshin ku wajahan Xeerka Caasimada

Hargaysa 6 Jan.(SDN) Golaha wakiiladda ee Somaliland   fadhigiisii maanta oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha golahaas md. c/raxman maxamed c/laahi ayaa mudanayaasha  waxaa loogu gudbiyay xeerka komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa , oo golaha guurtidu   wax ka badal ku soo sa meeyeen .

Xeerkan ayaa golahu u balamay  inuu gudo galo ansixintiisa maalinta baria ah.

Ka dib waxa  goluhu  u saaray guddi isku soo duba rida xeerka booliska oo goluhu hore uga dooday , gudidaas oo ka kooban xubnahan:

1.Md.Siciid Cilmi Rooble.      2. md.maxamed jaamac cabdi       3.md.maxamed bilaal saalax 4. md.cali gabiley  5. md.farxaan maxamed cali  iyo la taliyaha sharciga ee golaha wakiiladda .

Dhanka kale  Gudoomiyaha  golaha md. Cabdirahxmaan maxmed cabdilaahi ayaa mudanayaasha  u soo jeediyay magacyada sagaal iyo toban xildhibaan oo fadhiga kusugnaa kana mida ah soddon xildhibaan oo golaha u  soo gudbiyay mooshin ku saabsan xeerka caasimadda dalka,waxaanu gudoomiyuhu  mudanayaasha ku wargaliyey inay maalinta salaasadda ah ee todobadka danbe goluhu  guda gali doono ansixinta masuuliyiin Qaran oo horyaala.

Hargaysa SDN