|

Golaha Wakiillada Oo Ka Dooday Xaaladda Adag Ee Dalku Galay, Dhaliisha Guddida Abaaraha & Xildhibaanno Soo Jeediyey In Madaxweynuhu Hor-yimaaddo

Hargaysa 20. March 2017 (SDN/QJ):- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Shalay Dood-adag ka yeeshay Abaarta Dalka ka jirta iyo Sida ugu habboon ee loo Samato-bixin karo Dadka Gobollada bariga ee Abaartaasi Waxyeelaysay.

Fadhigii Shalay ee Golaha Wakiillada oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golahaasi Baashe Maxamed Faarax, ayaa Xildhibaannada qaarkood waxay soo jeediyeen in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo loogu yeedho Golaha isla-markaana laga Xog-wareysto sida Xukuumaddiisu u waddo Gurmadka Abaaraha, markaasi ka dibna lagu dhawaaqo in Somaliland gashay Xaalad deg-deg ah, si Shacab iyo Dawladba Gacmaha la isku qabsado oo loo bedbaadiyo Dadka reer Somaliland ee Abaartu Xoolahoodii dhamaysay, iyaguna Xilligan khatarta ugu jira inay Gaajo iyo Harraad u Geeriyoodaan.

Xildhibaan Baar Siciid oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee Qaddiyadda Abaarta ka hadlay, ayaa Xukuumadda ku eedaysay inay ka gaabisay Gurmadka Abaaraha, waxayna ku baaqday in Gaadiidka tirada badan ee Wasiirrada Xukuumaddu sida gaarka ah u isticmaalaan lagu soo guro Dadka Maatida ah ee Abaartu hayso, “Waxaan is-leeyahay Xukuumaddii way seexatay oo ma oga Waxa dhacaya (Abaarta), ee Baabuurtan Boqolka kun iyo 80-ka kun ah ee lagu tamashlaynayo ha soo guraan Dadka iyo Carruuraha dhimanaya. Wasiirradan Labada Boqol ah ee Madaxtooyada Ag-hoganayaa Dadka ha u gurmadaan.”ayay tidhi..

Xildhibaan Maxamuud Xaaji Jaamac Cilmi (Dable), ayaa isaguna is-waydiiyey Sababta illaa hadda Xukuumadda Somaliland ugu dhawaaqi la’dahay Xaalad Deg-deg ah isla-markaana Qaylo-dhaan ugu diri wayday Beesha Caalamka, “Baahidu Xishood malaha, Dawlad la ictiraafsan yahayna maaha (Somaliland), markaa waa inuu halkan yimaaddaa (Madaxweynuhu) oo uu sheegaa Sababta loola hadli waayey Hay’adaha Caalamiga ah.”ayuu yidhi,

Xildhibaan Faarax-Dheere, ayaa isaguna eedaymo u jeediyey Guddida Qaran ee Gurmadka Abaaraha, waxaanu yidhi “Waxa Cad in Guddida Qaran ee Abaaruhu yihiin Guddi aan isku dheeli-tirnayn, Guddi aan Dhulka qaarkii aan wada mari karin, Guddi aan lugayn karin. Waayo? waxa jira Dhul aan Gaadiidba marin oo Dadkii ku noolaa Gaajoonayaan oo loo baahan yahay in la lugeeyo.”

Ugu dambayn, Xildhibaan Bashiir Tukaale, ayaa soo jeediyey in Madaxweyne Siilaanyo loogu yeedho Golaha Wakiillada, “Madaxweyne ku-xigeenka oo ah Guddoomiyaha Guddida Abaaruhu wuxuu Dubia u tagay Dillaalista Arrimihii, markaa waxaan soo jeedin lahaa in loo yeedhaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Waayo? Xaaladda Abaartu maaha Xaalad la eegan karo, Dalkuna wuxuu u baahan yahay in la geliyo Xaalad Deg-deg ah, oo waxaynu Xoog iyo Xoolo leenahay lagu jihaynayo Gurmadka Abaarta.”ayuu yidhi.

Comments are closed