|

Guddida Dhaqaalaha Ee Guurtida Oo Baadhaya Sababta Keentay Sicir-bararka Dollarka & Kulan Ay Shalay Ugu Yeedheen Guddoomiyaha Baanka

Hargaysa 20. March 2017 (SDN/QJ):-Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Shalay Su’aalo la xidhiidha Sicir-bararka Dollarka iyo Qiimo-dhaca Shilinka Somaliland waydiiyey Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cumar Yuusuf.

Guddoomiyaha Baanka dhexe oo Guddida ugu yeedhay Xarunta Golaha Guurtida ee Hargeysa, ayaa la waydiiyey Su’aalo door ah oo la xidhiidha Sicir-bararka Dollarka, sidaana waxa Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaa Guurtida.

Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Guurtida oo kulanka ay la yeesheen Guddoomiyaha Baanka ka dib, la hadlay Saxaafadda ayaa yidhi “Haddaanu nahay Guddida dhaqaalaha ee Golaha Guurtida waxaanu u yeedhnay Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, si aanu uga waraysanno ama aanu Xog ka hello halka uu marayo Dollarkan Maalinba maalinta ka dambaysa Cirka isku sii shareeraya iyo Sababaha dhallinaya, markaa Xogtii way na siiyeen, su’aalo ay Guddida Dhaqaaluhu waydiiyeena way nooga jawaabeen, Annaguna wixii aanu haynay waanu u sheegnay,  laakiin halkan wax natiijo ah oo aan idiinka sheegayaa (Saxaafaddaay) ma jirto, sababtoo ah waanu sii soconaynaa ilaa halka u dambaysa.”

Guddoomiyaha Guddida dhaqaaluhu waxa kale oo uu sheegay “Hore waxaanu u aragnay Telesom Iyo E-dahab, Akhbaartii aanu iyaga ka ururinayna waanu haynaa, markaa waanu sii soconaynaa illaa halka ay nala gesho.”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Baanka dhexe, ayaan isagu markii kulankaasi dhammaaday wax hadal ah siinin Saxaafadda.

Halka dollar ee Maraykanka ah ayaa Suuqyada Somaliland lagu kala sarrifanayaa 8,400 Shilin, marka uu Qofku shilinka Sitana waxa Halka dollar lagaga iibinayaa 8,700 ama 8,800, halkii dhowr bilood ka hor uu halka Dollar ka ahaa inta u dhaxaysa 6,500 illaa 7000 oo Shilin.

Comments are closed