|

Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta Oo Kala Saxeexday Heshiiska Saldhigga Berbera & Mashaariicda Laga Fulinayo Dalka Ee Qaybta Ka Ah

Abu-dubai, 20 March, 2017 (SDN/QJ):-Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa rasmi ahaan u kala saxeexday Heshiis Dawladda Imaaraadka u fasaxaya inay Saldhig Ciidan ka samaysato Magaalada Berbera, kaasi oo hore Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland ansixiyeen markii Xukuumaddu u gudbisay.

Warbaahinta looma soo bandhigin Masuuliyiinta Somaliland iyo Kuwa Dawladda Imaaraadka Carabta oo kala saxeexaya Heshiiskan, laakiin Weftigii Xukuumadda Somaliland ee Abu Dubai Arrintan u tagay, ayaa Shir-jaraa’id oo ay Shalay halkaa ku qabteen kaga dhawaaqay inay Dawladda Imaaraadka kala saxeexdeen Heshiiska Saldhigga Berbera ee hore Baarlamaanku u ansixiyey.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ugu horreyn ku dhawaaqay in dawladaha Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabtu kala saxeexdeen heshiis dhigaya in dawladda Imaaraadku saldhig Millatari ka samaysato Berbera, waxaanu yidhi “Maanta oo ah Axad, taariikhduna tahay 19, March, 2017 (Shalay) waxa heshiis ku kala saxeexday magaalada Abu-dubai dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabta, heshiiskaasi oo koobaya iskaashi dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Arrimaha dibadda ah, kaas oo ku sallaysan go’aankii baarlamanka Somaliland ka soo baxay 12, February, 2017”.

Wasiir Sacad, waxa kale oo uu ka warramay qodobbada uu ka kooban yahay heshiiska Saldhiga Millatari ee ay wada gaadheen Dawladaha Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu waxaanu yidhi “Waxa uu ka kooban yahay qodobbadani:-

1.Dawladda Somaliland oo ogolaansho siisay in ciidammada dawladda Isu-taga Imaaraadka Carabtu ay isticmaalaan Madaarka diyaaradaha ee Berbera.

2.Dawladda Isu-taga Imaaraadka Carabta oo ka dhisi doonta madaar cusub oo ku yaalla Magaalada Berbera oo ay isticmaali doonaan diyaaradaha rakaabka iyo xamuulka, taasi oo macnaheedu yahay inay Berberi yeelan doonto laba Madaar.

Jidka isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Wajaale oo dhererkiisu yahay 250km, ayaa isna ka mid ah mashaariicda la fulin doono, mashaariic kale oo la fulin doono iyaguna waxay la xidhiidhaan Biyaha, Tamarta, Caafimaadka iyo Waxbarashada, mashaariicdaasi waxa la fulin doonaa saddexda sano ee soo socda.

3.Dawladda Imaaraadka Carabta oo suuqyadeeda shaqo u furi doonta muwaadiniinta reer Somaliland.

4.Dawladda Imaaraadka Carabta oo taageeri doonta shirkadaha maalgashiga ee imaaraadku inay maalgashadaan Somaliland.

5.Dawladda Imaaraadka Carabta iyo Dawladda Somaliland oo iska kaashan doona dhinaca Ammaanka.

6.Heshiiskani wuxuu albaabo cusub u furi doonaa Somaliland iyo Beesha Caalamka.

Ugu danbeyn, waxay labada dhinac isla garteen in Dawladda Imaaraadka Carabtu inay gargaar degdeg ah gaadhsiiso dadka ku tabbaaloobay Abaaraha”.

Dhinaca kalena, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo Madasha Heshiiska lagaga dhawaaqay ku sugnaa, ayaa ka warramay faa’iidada iyo ahmiyadda uu heshiiskani u leeyahay Somaliland waxaanu yidhi “Runtii, Maanta waa maalin qiimo weyn, oo qiime gaar ah u yeelan doonta taariikhda Somaliland, waxaanu heshiiskani faa’iido weyn u yeelan doonaa Somaliland, iyada oo ay noqonayso heshiiskii koowaad ee caalami ah ee dunida horumartay ee la ictiraafsan yahay ay Somaliland la gasho”.

Saylici waxa kale oo uu ka hadlay Somaliland waxa ay ku beddalatay Saldhigga Millatari ee ay dalkeeda ka siinayso Dawladda Imaaraadka Carabta “Saldhigyadu qiimaha ay leeyihiin waa la garan karaa, saldhig millatari ayaanu siinay dawladda Imaaraadka Carabta, iyagoo noogu beddalaya mashaariic horumarineed oo ah mashaariicdii dawladda Somaliland uu u soo ansixiyey Baarlamaanku, markaa faa’iidooyinku aad iyo aad ayey u badan yihiin, waxaanan ummadda Somaliland ugu bushaaraynaynaa Imaaraadka Carabta oo taariikh dheer iyo xidhiidh soo jireen ah ay  Aabayaasheen iyo Awoowyaasheen la lahaayeen uu maanta sii adkaan doono oo mid siyaasadeed iyo dhaqaale-ba uu soo gelin doono heshiiskaasi Somaliland”. Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku.

Comments are closed