Uncategorized

Golaha Wasiiradda Punt land oo Sheegay inay Gacanta ku dhigeen Xubno ku eedaysan Qaraxii Garowe,Baaqna u diray Shacabka Taleex

Garowe 24.April 2015 (SDN/QJ)- Shirkii golaha xukuumadda Puntland oo uu shir gudoominayey Madaxaweyne ku xigeenka Puntland Eng:Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar aya waxaa looga hadlay Amniga guud ee Puntland kadib qaraxii 20-kii Bishan ka dhacay magalada Garoowe ee lagu laayey qaarkamida shaqaalaha Qaramada Midoobay waxaana la go,aamiyey in laga hortago dhacdo kasta oo tan lamida.

Golaha wasiirada Puntland aya ka warbixiyey baaritaanki iyo daba galkii lagu hayey dadkii ka danbayey weerarki dhowaan ka dhacay magalada Garoowe ee lagu laayey qaarkamida shaqalaha Ha’yadaha UN-ka,sido kale dadkan laso qab-qabtay aya looga shaki qaba inay la shaqaynayeen Ururka Al-Shabaab.

Sido kale waxaa laga hadlay xaalada degmada Taleex ee gobolka Sool oo labo doraad uu ka dhacay dagaal u dhexeyey labo beelood oo degmadaasi wada dega kasi oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay.

Wasiirada aya sido kale si durugsan uga hadlay xaalada degmada Taleex ee gobolka Sool oo maal-mo ka hor uu ka dhacay dagaal dad badani ku dhinteen kaasi oo u dhexeyey beelo walaala ah oo wada dega deegaankaasi,waxana dowladda Puntland dirtay xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo Isimo si ay uga qayb-qaatan dhex-dhexaadinta beelaha dagaalamay iyo dejinta xaalada dagaal.

Goluhu waxa uu beelaha dirirtu dhexmartay ugu baaqay inay colaada jojiyan laguna dhameeyo wadahadal iyo Is afgarad si looga dhowrsado dhiiga daadanaya iyo colaada Sookeeye ee xiligani Alloosantay,waxana ay sido kale xubnaha golaha wasiiru tacsi u direen dadkii ku dhintay dagaalka u dhexeeya labada beelood.

Shirka golaha wasiirada waxaa la iskula qaatay in dib loo Eego dhamaan laamaha Amaanka siyaabaha ay u howl-galaan,Islamarkana waxaa dib u sixid lagu samaynaya qaabka wada shaqaynta iyo howl-galada ciidamada Puntland.

Golaha wasiirada Puntland waxa ay shirkooda ku meel-mariyeen xeerka lanbar 14-ee la samayey sanadkii 2000-xeerkaas oo ka hadlaya Khidmadaha iyo Leesimada laga qaado ganacsatada.

Ugu danbaynti golaha wasiirada Puntland waxaa ayka codsadeen shacabka Puntland inay Ilaaliyan islamakana si dhow ula socdaan dadka wada Khal-khalka Amni ee kuso dhuumanaya deeganada Puntland,islamakana dhibaataynaya Amniga gudaha Puntland.

Garowe SDN/QJ

contact@qurbejoog.com