|

Gollaha Wasiirada Somaliland oo digniin ka soo saaray in laga horyimaado heshiiskii Addis Ababa

Hargeysa January 03, 2024(QJ) -Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta isugu yimi shir aan caadi ahayn, ayaa lagu taageeray heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyagoo sheegay inay tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah ka qaadi doonaan cid kasta oo ka soo horjeeda.

Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah, isaga oo mahadnaq balaadhan u jeediyay dawladda Itoobiya oo sheegtay inay Somaliland u aqoonsan tahay dal madax-banaan.

Goluhu wuxuu cambaareeyay diidmada Soomaaliya ee heshiiska labada dhinac, waxayna ugu baaqeen dowladda federaalka inay ka fogaato mucaaradnimada, iyagoo sheegay in taasi ay wax u dhimeyso ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, golaha wasiirradu waxay beesha caalamka ugu baaqeen inay ku daydaan Somaliland oo ay aqoonsadaan Somaliland, sida Itoobiya oo kale, taasoo muujisay saamaynta wanaagsan ee aqoonsigaasi ku yeelan karo xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Comments are closed