|

Goorma ayey Bilaabmeen hawlaha caafimaadka ururka Hablaha Gaaroodi.

Hablaha Gaaroodi wuxuu abaabul ahaan u bilaabmay 1990 iyagoon wadan magaca “Gaaroodi” xiligaa wuxuuna ka bilaabmay isku xidhkoodu xaruntii dhaawaca ee salaxlay.
Ujeedaduna waxay ahayd sidii daryeel ( Hu iyo raashin oo ahaa labada u daran) loogu heli lahaa dhawaaca Salaxley oo ahaa saldhiga guud ee caafimaad aaga Seddexaad.
Hablahaasi waxay kala deganaayeen Salaxley, Caam abokor iyo Jabuuti.
Hablahu waxay talaabadii labaad go’aansadeen in ay sameeyaan wacyi gelin guud oo ku aadan dhamaan baraha dhawacyada aagga Hargeisa oo mideeyaan cududa Haweenka Daroor, Rabaso, Dulcad, Harta sheikh iyo Baligubadle si dhaawacu u helo daryeel iyo raashin geed ka go’aan ah oo laga soo jaro goobaha cunto qaybinta ee Xarumihii Qaxoontiyadu deganaayeen.
Waxaa ila soo xidhiidhay Hablahaa is abbaabulay anoo xiligaa Salaxley ku sugnaa, waxayna ila wadaageen qorshahoodii wacyigelinta iyo in ay u baahan yihiin garab iyo gadhwadeen intay marayaan magaalooyinkaas wixii isku xidh ay uga baahdaan.
Waxay wateen baabuur si hagarla’aan ah ula shaqeeyey oo uu lahaa nin la yidhaa ‘Ina-Baar’ oo uu wado wiil aan filaayo in uu adeer u ahaa oo la odhan jirey “Qarandi”. Waxay habluhu igu yidhaahdeen adiguna hanaga hadhin ee na raac oo gadhwadeen noo noqo (kulamada dumarka iyagaa watay).
Waxaan geeyey Hablahii Baligubadle oo ay kulan la yeesheen Hablihii Baligubadle oo ay qorshahii isla sateen, masuuliyadiina ukala qaybsadeen Bari iyo Galbeed iyagoo inan reer Baligubadle ah ka dhigtay Gudoomiye si ay u suurta gasho isku xidhka Bari iyo Galbeed iyo Taliska guud ee SNM.
Waxaan u tegay, Carab Duale oo joogay taliska guud, waxaanan gaadhsiiyey qorshii Hablaha ee ahaa in ay sameeyaan wacyi gelinta iyo rashiin ururinta ku aadan dhaawacyada.
Carab Ducaale oo aad ula dhacay qorshu, wuxuu siiyey hablihii Foosto shidaal ah oo ilaa Daroor ay ku soo mareen aniguna aan gadhwadeen ka ahaa.
Wacyigelintii hablahaas waxaa ka dhashay laba arrimood oo aan ku ekaan ujeedadii hore.
1. Dhaawacu guud ahaan wuxuu xeeryihii qaxoontiyada ka helay cad u go’aan.
2. Haweenkii Aaga Hargeisa waxay samaysteen urur iyo Gudoomiye. Ururkaas oo uu ka unkamay ururka Nagaad sidiina ay Gudoomiye uga ahayd anantii ay Baligubadle ku doorteen oo Gudoomiyenimadii dalka markii la xoreeyey la soo gashay, Allah hawnaxariistee.
Hablihii Badhkood markay Ingriiska yimaadeen fikirkii way siiwadeen ilaa hablo aqoonlihii ay sameeyeen magaca Hablaha Gaaroodi ee sii wada hawshii caafimaad ee ay hablahaasi bilaabeen 1990.
Habalaha 1990 bilaabay hawlaha daryeelka caafimaadka goobaha dhaawacyada waxaa ka mid ahaa intaan xasuusto:
1. Safia Guure Danaakil
2. Canab Omer Ibrahim
3. Ina Xaashi Guuleed
4. caasha (Aamina?)Dheer
5. Ruun Aw Daauud
Iyo Habla kale oo aad u karti badna lakii aan muddadaa dheer awgeed aan ilaabay magacyadoodi.
Qorshiihii ay Hablahu bilaabeen 1990 maanta waxay dhiseen labada dhakhtar ee qalabaysan er kala ah:
1. Dhakhtarka Salaxley.
2. Dhakhtar Dhimirka ee Masalah Hargeisa

By Mohamoud AW Hassan Arrale

Comments are closed