|

Ictiraafka iyo Caddaalada Kee Horreeya?

Hargeysa (QJ) Somaliland waddamo ka mida dunida waxay u magacawday 24 Danjire iyo 3 Ergay, waxa beesha dhexe ah 18 Danjire iyo 3 Ergay, Beelaha darafyadu waxay leeyihiin 6 Danjire.

Waddamada cilaaqaadka aynu la leennahay ee leh Xafiisyada muhiimka ah ee miisaaniyaddu ku baxdaa waa 6 dal Uk, Taiwan, Ethiopian, UAE, Djibouti, Kenya waxa haysta dhammaan Beesha dhexe, Dalalka China, Yeman, Farnce, USA, Turkey, Canada, waxa haysta beelaha Darfyada.

Inta badan Danjirayaasha waxa Xafiis u ah guryahooda oo ay ku shaqeeyaan, 3dii bilood ee u danbeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxa la magacaabay 11 Lataliye oo qaata $1000-$2000 dhammaan waa beesha dhexe.

Wasaaraddu waxay ka koobantahay 9 waaxood 7 waa beesha dhexe 2 ayaa darafyada ah. Caddaalada ka horraysa Ictiraafka.
“Indhaha saxarbaa ku jira
Fartaan kaga saari laa
Ciddiyo sarayaa ku yaal”
Qorre- Maxamed Sidiiq .

Comments are closed