Uncategorized

Goorma ayey Xukuumadda Somaliland Burisay Go’aan Madaxweyne Siilaanyo hore ugu diiday in UNSOM Xafiis ku yeelato Hargeysa?

Hargaysa 01.Dec 2015 (SDN/QJ):- Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaalida ee UNSOM qaybtiisa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Daahir Maxamed Daahir, ayaa afka ka xidhay Tafaasiil uu ka bixiyo cidda bixisay oggolaanshaha in Xafiiskiisu ka hawlgalo dalka.

Daahir oo Madax ka ah Xafiis Hay’adda Qaramada Midoobayu u qaabbilsan taageerada dib-u-dhiska Soomaaliya ee UNSOM, farac ay ku leedahay magaalada Hargeysa, laakiin Madaxweyne Axmed-Siilaanyo sannado hortood uu mamnuucay inay ka hawlgalaan dalka, ayaa sidoo kale iskaga riixay Xafiiskooda Soomaaliya ka jawaabista Warbixin majaro-habaabin Somaliland ku saabsan oo Hay’adda UNSOM caalamka u gudbisay.

Wargeyska Himilo oo Daahir, shalay wax ka weydiiyey inuu tafaasiiil ka bixiyo sababta Xafiiska UNSOM ugu gudbiyeen caalamka Warbixin ka been-abuuraysay in Somaliland dood ka yeelatay doorashooyinka sannadka 2016-ka dhici doona Soomaaliya, ayaa ku jawaabay, “Arrinka Shaacinta Warbixinta aad sheegayso waxaad kala xidhiidhaa cidda baahisay ee Muqdisho (Soomaaliya).”

Mar aannu weydiinnay, waxa lagu baahiyey barta UNSOM, maaddaama aad adigu madax ka tahay Xafiiskooda qaabbilsan Somaliland, warkuna khusaynayey, miyaan waajib laydinku lahayn ka hadalkeeda, waxa uu ku jawaabay, “Ima khuseeyo anniga.”

Madaxa Xafiiska UNSOM ku leedahay Hargeysa, Mr. Daahir oo la weydiiyey sababaha keenay in laga furo dalka Xafiiska UNSOM oo hore Madaxweyne Axmed-Siilaanyo u diiday, iyo cidda u oggolaatay ayuu ku jawaabay, “Xafiiska UNSOM Afhayeen ayuu leeyahay ee isaga kala xidhiidh.”

Hadalka Masuulkan qaabbilsan Xafiiska UNSOM sifaha aan la faahfaahin uga furatay Hargeysa, ayaa u muuqda mid ku adkaysanaya baahinta war dhaawacaya sumcadda Siyaasadeed ee Somaliland iyo ka duwanaanshaheeda Soomaaliya oo caalamka ay u gudbiyeen.

Hase-yeeshee, Wargeyska Himilo oo warkaa majara-habaabinta ee hore Xafiiska UNSOM uga gudbiyey Somaliland iyo jawaabtan masuulka u qaabbilsan Hargeysa iskaga indho-tiray ka hadalkiisa markii wax laga weydiiyey isku deyey inuu dhinaciisa wax ka weydiiyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire ayaanay noo suurtoobin, ka dib markii Taleefankiisa gacanta la qaban waayey, farriin aannu sanduuqiisa ugu dirnayna ka soo jawaabi waayey.

Balse, waxa muuqata in Xukuumadda Somaliland go’aankaa hore loogu diiday in UNSOM Xafiis ku yeelato Hargeysa, iyadu burisay, Xafiiskanna oggolaansho aan Bulshada iyo Saxaafadda toona la ogeysiin ku aqbashay degganaanshaha Xafiiska UNSOM ee Hargeysa ka hawlgala.