Uncategorized

Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo Dalka Dib ugu Soo Laabtay,Jewigii Soo dhawayntiisa,Fariin uu Safaarado Gaadhsiiyey Iyo Inay Jiraan Wax iska Bedelay Aragtidiisii Doorashada Kulmiye DAAWO

Hargaysa 01.Dec 2015 (SDN/QJ):-Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur { Kijaandhe} oo dhinaca Kalena ahaa Murashixiintii Isbahaysiga Kulmiye ee Qaadacay Doorashadii Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa soo dhawayn Maqaamkeedu sareeyo Waxaa loogu sameeyay Magaalada Hargaysa Kadib Markii uu ka soo Laabtay Safar uu ugu Maqnaa Waddamo ka tirsan Bariga Africa.

Xildhibaan Kijaandhe Waxaa soo dhawayntiisa ka Dhex Muuqday in badan oo ka mid ah Xubnaha Isbahaysiga Dimuquraadi doonka ah ee Xisbiga Kulmiye,Madax dhaqameed,Siyaasiyiin iyo Dadweyne Tiro badan.

Xildhibaan Kijaandhe ayaa Warfidiyeenadu Waxay Wax ka weydiiyeen ujeedada Socdaalkiisu la xidhiidhay iyo Mawqifkiisa ku aadan Doorashadii lagu kala calaf qaaday ee Xisbiga Kulmiye.