|

Saleebaan Gaal oo dib u celiyay xeerarkii doorashooyinka ee hor yaalay Guurtida

Hargeysa. 26 September, 2022. (QJ)- Golaha Guurtida Ee Somaliland ayaa maanta xeerarkii ay kaabista iyo wax ka bedelka ku sameeyeen Golaha Wakiiladu dib ugu celisay Golaha Wakiilada, taas oo dhalisay khilaaf hor leh iyo muran labada gole ka dehx aloosamay oo dabka kusii huriyay khilaafkii hore u taagnaa.

Shir Guddoonka ayay ku koobnayd soo celinta labada xeer iyadoo Golaha Guurtida aan marna la tusin wax ka bedelka iyo kaabista xeerarkaas, arinatas oo xildhibaano Golaha Guurtida ahi ay kasoo hor jeedsadeen.

Arintan ayaa ka dhigan in khilaaf kale mar kale ka curto Somaliland, iyadoo aan la ogayn waxa xigi doona.

Shir guddoonka Golaha Wakiilada ayaa dhankooda diiday in ay qabtaan xeerarkan iyadoo la arkayay waraaqaha ay ku qornaayeen xeerarku oo dexh yaala labada aqal ee Baarlamanka Somaliland ka kooban yahay.

Dadka falanqeeya siyaasadda Somaliland ayaa qaba in Somaliland ay qaaday dhabihii ay ku bur buraysay maadaama kaliya uu madaxweynaha Somaliland rabo in sida uu jecelyahay loo sameeyo.

Comments are closed