|

Guddida Doorashooyinka Muuse Biixi oo ku dhawaaqaya Doorashooyinka Ururada dhawaan

Hargeysa July 13, 2023 (QJ) – Sida aanu warar kala duwan ku helay, Guddida Doorashooyinka Muuse Biixi in ay dhawr maalmood gudahood ay ku dhawaaqi doonaan nooca iyo xiliga Doorosho ee dalka ka dhaceysa.

Ilo wareedyado ka agdhow Guddida Doorashada Muuse Biixi ayaa inoo sheegay in Guddida Doorashooyinka dalka ay ururada iyo Xisbiyada dalkaba u sheegeen mid walba doorashada ay doonayaan in ay u qabanayaan.

Guddida Doorashooyinka ayaan maraba fileyn goaankii maxkamada sare ee ay dhawaan ku fartay in ay iyagu ku dhawaaqaan xiliga doorashooyinka.

Sida ay madaxda Ururada u sheegeen taageerayaashooda, waxa ay Guddida doorashadu balan qaadeen una sheegeen ay ku dhawaaqayaan doorashooyinka ururada siyaasada.

Dareenka taageereyaasha Mucaaridka ayaa cirka isku shareeyay intii ka danbeysay markii ay soo shaacbaxday in Muuse Biixi ay tiisu u meelmarto maalmaha soo socda.

Waxaana durba la soo tebinayaa in gobolada dalka laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo colaadeed iyo hub urursi ay sameeynayaa beelaha ka soo horjeeda Kulmiye iyo kuwa taageera.

Ma cada sida taasi u suurtogaleyso bacdamaa aaneu jirin sharci iyo miisaaniyad loo diyaariyay doorashooyin loo qabto ururada Muuse Biixi dhawaan diiwaangeliyay.

 

Comments are closed