|

Heyada WHO oo canbaareysay duqeymaha Somaliland ee Laascaanood

Hargeysa July 15,2023(QJ)-Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa canbaareysay weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada Somaliland ku qaadeen cisbitaalka magaalada Laascaanood.

Agaasimaha guud ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa bartiisa Twitter-ka ku muujiyay walaaca uu ka qabo weraradaasi, wuxuuna caddeeyay in dad rayidka ah iyo shaqaalaha daryeelka caafimaadka ay naftooda ku waayeen weerarka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa Khamiistii sheegtay in dhowr xarumood oo caafimaad oo ku yaalla Laascaanood uu soo gaadhay burbur xooggan, taas oo wiiqday adeegyadii caafimaad ee muhiimka ahaa ee magaalada oo ku yaalla gobolka Sool.

War-saxaafadeed ay Somaliland soo saartay ayaa si kulul u naqdisay warbixin ay soo saartay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, taas oo ku saabsanayd duqeyntii xarumaha caafimaadka ee magaalada Laascaanood oo ay colaado ka dhaceen.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ku dadaalayso sidii ay u heli lahayd nabad-qabka shacabkeeda marka ay colaaddu dhex-marto, waxayna hay’adda WHO ugu baaqday inay la shaqeyso xukuumadda Somaliland, iyadoo Somaliland ay beenisay eedahaas oo ay sheegtay inay u gurmanayeen dadka dhibaataysan.

Colaadda Laascaanood ayaa si weyn u saamaysay adeegyadii bulshada ee magaaladaas, sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada iyo nadaafadda magaalada.

Comments are closed