Baydhabo (QJ) -Wafdi ka socda guddiga doorashooyinka qaranka iyo xuduudaha ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xubnaha guddiga doorashada ayaa Baydhabo u yimid dardar gelinta howlaha qaban qaabada doorashada hal qof iyo hal cod ee la filayo in dalka ay ka dhacdo.
Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed oo ka mid ah guddiga maanta gaaray magaalada Baydhabo oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii ay dib ugu howlgeli lahaayeen xafiiska guddiga doorashada ee magaalada Baydhabo.
“Waxaan u nimid Baydhabo in aan dib u furno xafiiska guddiga doorashada oo in muddo ah aan shaqeyn, iyo in aan bilowno qabanqaabada doorashada hal qof iyo hal cod ah” ayuu yiri Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed oo ka mid ah xubnaha Qaranka. Guddiga doorashada.
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa horay uga horyimid madaxda maamulada Puntland,Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda,kuwaasi oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in guddigan uu u adeegsado wax isdaba marin doorasho.
Dhowaan ayay ahayd markii guddiga doorashooyinka qaranka ay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen jadwalka doorashada iyagoo sidoo kale sheegay in diiwaan gelinta xisbiyada siyaasadda ay hadda furan tahay.
