Dubai (QJ) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta.
Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u casuuntay Madaxweynaha Somaliland, waxaanay safarkiisa u soo dirtay diyaarad nooceedu yahay Royal Jet.
Safarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu Madaxweyne Cirro ku tago dalka dibaddiisa tan iyo intii uu xilka la wareegay. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa muddo saddex maalmood ah ku sugnaan doona dalka Imaaraadka, iyagoo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan arrimo muhiim ah.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiro socdaalkiisa rasmiga ah waxa uu la kulmi doonaa qurbajooga reer Somaliland ee degan dalka Imaaraadka Carabta.
