Hargeysa,20sep,2015(QJ/SDN)-Afhayeenka Guddida Guud ee Beel Waynta Abokor Muuse Maxamed Axmed Mixile oo caawa shir jaraaa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa waxaa uu si cad u bayaamiyay mawqifka rasmiga ah ee Beeshu ka taagantahay

1: Hadaanu nahay Guddida Beel waynta Abokor-Muuse waxaan Bayaan cad ku muujinaynaa in cid kasta oo daneenaysaa arrinta Banka in ay kala xidhiidho dadwaynaha Deegaanka .
2: Waxaanu soo jeedinaynaa ama Go’aaminaynaa in aan xoog la adeegsan oo wada hadal lagu dhameeyo arrinta Banka .
3: Waxay si cad uga soo hor jeedda Guddidu cid kastoo Fitno ka abuuri karta xaaladda Banka

QJ/SDN; Hargeysa
