|

Guddida Wanaag Farista Oo Fariin U Diray Dhallinyarada,Ganacsatada Dalka & Laamaha Amaanka Somaliland

Hargaysa 23. June 2017 (SDN/QJ):- Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen Xafiiskooda Magaalada  Hargeysa, waxay baaq ugu direen  qaybaha kala duwan ee bulshada  iyo Laamaha amaanka .

Guddoomiye ku xigeenka Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Somaliland ,Xaaji Cawil Xuseen Cali  ayaa dhallinyaradda u digay gaar ahaan Haweenka in maalmaha Ciida ay xidhaan dhar khafiif ah oo cawradooda mujinaaya taas oo ay ku tilmaameen fahasaad xun oo Umadda lagu Fasahadinaayo waxaana uu yidhi “ Waxaa jira waxyaabo soo baxa oo ay ku kacdo dhallinyaradu sida Fasahaad odhanayaa Tumasho iyo Hoteelo habeenka Ciida , dhar Khafiif ah oo ay qaatan habluhu Inamada oo si xun u xiirta iyo iyaga oo badda qabta,  waxyaabahaas ayaa  ka dhasha oo diinteenu ogoshahay ma aha “

Madaxa Wacyi-gelinta Sheekh Cumar Aw-Xaashi ayaa ganacsata ugu baaqay in ay ka wantooban keenista dharka iyo agabka diinta wax u dhimaaya waxaanu yidhi  “Waxaanu dadka Muslimka ah ee Ganacsatada ah u sheegaynaa dharka khafiifka ah ee Cawro ma qariska ah ee wax ay ku habboon yihiin ba jirin ee qaawan dee Jalaabiib aynu isku ogayn ee dhar aan cawro qarinayn iskumaynaan ogayn markaa hala joojiyo.”

Sheekh Cumar Aw Xaashi waxa uu Ciidanka Booliska ugu baaqay in ay celiyaan dhallinyaradda lab iyo dhediga isku wata ee u dalxiis tag goboladda Dalka maalmaha Ciida waxaana uu yidhi “Ciidanka Booliska iyo lamaaha nabadgelyada waxaan leenahay Ciidi baa afka ina soo saartay, waa markii ay dhallinyaradu Basaska kiraystaan rag iyo dumar , waxaan ku bogaadinayaa booliska in kantaroolada lagu joojiyo oo gaadhi hablo iyo Inamo sidaa inaga dhaqaaqin ileen waa Fusuqe”

Hadalka Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista ayaa ku soo beegmayaa xilli ay qaybaha bulshadu wax iska waydinayaa dhaqamada aan la mahadin ee bulshada Somaliland ku soo kordhay sida ka ganacsiga dhar iyo agabka diinta wax u dhimaya iyo fahasaadka dhaca habeenadda Ciida “

Comments are closed